Gudoomiyihi Gobolka Banaadir oo afka furtay

0
Tuesday December 29, 2015 - 18:43:59 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1612
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyihi Gobolka Banaadir oo afka furtay

    Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Sheekh Yuusuf Xasan Jimcaale, ayaa si adag uga hadlay amni darida ka taagan magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Somalia.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Sheekh Yuusuf Xasan Jimcaale, ayaa si adag uga hadlay amni darida ka taagan magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Somalia.

Yuusuf Xasan oo la hadlaayay Saxaafada ayaa sheegay in marnaba maamulka uusan u dulqaadan doonin in magaalada Muqdisho ay xarun u noqoto falalka gurcan waxa uuna tilmaamay in ciidamada amaanka ay u muuqdaan kuwo gabay howshii loo igmaday.

Yuusuf Xasan waxa uu sheegay in wax la aqbali karo aysan aheyn in dadka muqdisho ka geysta falalka gurcan ay si nabad-galyo ah uga baxsadaan goobaha ay dilalka ka geystaan waxa uuna ku baaqay in ciidamada amaanka ay arrintaasi wax ka qabtaan.

Gudoomiyahu waxa uu sheegay in maalin waliba magaalada Muqdisho ay ka dhacaan dilal cagsi ku ah amaamka Gobolka waxa uuna cadeeyay in dilalkaasi dhamaantooda ay kusoo biya shubtaan baxsashada ragga falkaasi geysta.

Guddoomiye Boorsaani waxa uu sheegay in maamulka Gobolka iyo Hay’addaha amaanka ay wadaan tallaabooyin lagu doonaayo in looga hortago amaan darida ka taagan magaalada Muqdisho.

”Haddii aynu naha maamulka Gobolka uma dulqaadan doono in Shabaab ay dilal geystaan kadibna ay si nabadgalyo ah halkaasi uga baxsadaan”

”Waxaan wada shaqeyn uga baahanahay Guddoomiyayaasha Degmooyinka, Taliyaha Booliska iyo Taliyaha Nabadsuggida marka ay wada shaqeeyaan waxaa imaanaysa isfahan amni cidii gaabisa markaasi waa lagula xisaabtamaa”

Guddoomiyaha Gobolka waxa uu ka digay in ciidamada amaanka ay dayacaan kaalinta kaga aadan sugida amaanka waxa uuna ku goodiyay in ruuxii ka tirsan Al-shabaab ay ku dili doonaan goobta uu markaasi taagan yahay.

Haddalka Gudoomiyaha ayaa kusoo beegmaaya xili Seddexdii asbuuc ee lasoo dhaafay ay magaalada Muqdisho marti galineysay Qaraxyo iyo dilal aan xad laheyn.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip