Al-Shabaab oo fagaare ku yaala deg.Saakow ku toogtay shan ruux

0
Friday January 01, 2016 - 22:59:25 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 2196
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-Shabaab oo fagaare ku yaala deg.Saakow ku toogtay shan ruux

    Wararka naga soo gaaraya degmada Saakow oo ka tirsan degmada Jilib ayaa sheegaya in maamulka ururka Al-Shabaab uu maanta halkaasi ku toogtay shan ruux oo eedeymo kala duwan u jeediyay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka naga soo gaaraya degmada Saakow oo ka tirsan degmada Jilib ayaa sheegaya in maamulka ururka Al-Shabaab uu maanta halkaasi ku toogtay shan ruux oo eedeymo kala duwan u jeediyay.


Afar ka mid ah shanta ruux ayaa rasaas lagu furay goob fagaare ah, iyadoo halka qof ee kalena lagu gowracay halkaasi, taasi oo argagax gelisay boqolaal dadweyne ah oo intooda badan lagu khasbay inay ka soo qeyb galaan dilka raggaasi.

Sarkaal ka tirsan xarakada Al-Shabaab oo la hadlayay dadweynihii isugu soo baxay fagaaraha ay dadka ku dilayeen ayaa sheegay in shanta qof ee la dilay ay qirteen dembiyo kala duwan, iyadoo qaarkood la sheegay inay ahaayeen basaasiin u shaqeynayay Dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka.

Ragga la dilay waxaa sidoo kale lagu eedeeyay inay iyagu hagayeen diyaaradaha Drones-ka loo yaqaan, kuwaasi oo dilay hoggamiyeyaal ka tirsan ururka Al-Shabaab.

Magacyada shanta qof ee la dilay waa kuwaan:-

1-Axmed Cali Ibraahim oo da’diisu ay ahayd 22 jir
2-Cabdinaasir Cali Maxamed oo da’diisu ay ahayd 21 jir
3-Cabdinajiib Cusmaan Cosoble oo da’diisu ay ahayd 19 jir
4-Cabdullaahi Xasan Abuubakar oo da’diisu ay ahayd 19 sano jir iyo
5-Aadan Max’ed Isaaq oo da’diisu ay ahayd 19 sano jir.

Ninka la gowracay ayaa Al-Shabaab waxay ku eedeysay inuu ka dambeeyay khaarajinta madax ka tirsan xarakada, kuwaasi oo lagu dilay duqeyn diyaaradeed oo ka dhacay Koonfurta Soomaaliya.

Dhinaca kale dadweynaha degmada Saakow ayaa walaax ka muujiyay xukunada dilka ah ee Al-Shabaab, iyagoo markoodii horeba amarro adag ugu dul qaadanayay maamulka Al-Shabaab ee ka arrimiya degmadaasi.


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip