Feejignaanta Wariyayaasha iyo Bartilmaameedsiga Argagixisadda. W.Q:- Abdiaziz Mohamud Guled"Afrika"

0
Sunday January 03, 2016 - 03:40:46 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1892
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Feejignaanta Wariyayaasha iyo Bartilmaameedsiga Argagixisadda. W.Q:- Abdiaziz Mohamud Guled"Afrika"

    Argagixisaddu waxay tiro ka 4 jeer Qaraxyo la bartilmaameedsadeen Wariyayaal. taasoo ah fariin ay doonayaan inay ku aamusayaan Warbaahinta Somalia, markii ay iska diideen Wariyayaashu inay uga tagaan Mihnadooda Dilalka ay mudada dheer la daba joogeen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Argagixisaddu waxay tiro ka 4 jeer Qaraxyo la bartilmaameedsadeen Wariyayaal. taasoo ah fariin ay doonayaan inay ku aamusayaan Warbaahinta Somalia, markii ay iska diideen Wariyayaashu inay uga tagaan Mihnadooda Dilalka ay mudada dheer la daba joogeen Argagixisaddu si Kali Kali ah ay ugu bartilmaameedsan jireen Wariyayaasha.


Qarixii ugu horeeyay ee Wariyaal si Wadar ah loola bartilmaameedsado waxa uu ka dhacay Tiyaatarka Somalia 4 April 2012-da, halkaas oo ay ka socotay Munaasibad loogu dabaal dagayay Sanadguuradii 1-aad ee markii dib loo hawlgaliyay SNTV. Waxaana Qaraxaasi ku dhintay Masuuliyiin Ururo Bulsho, iyo Shacab, Waxaa sidoo kale ku dhaawacmay Wariyaaal iyo Masuuliyiin.

Qarixii xigay ee Wariyayaal lala bartilmaameedsado waxa uu ka dhacay Maqaayadda Hooyooyinka Bishii September 2012-dii. Waxaana ku dhintay Qaraxaasi 3 Wariye oo 2 ka mida ay ka shaqaynaysay Warbaahinta Dawladda, iyo dad Shacab ah.

15-Oct-2014 waxaa xilli fiidnimo ah Barxadda Iskaashatooyinka la soo dhigay Gaari laga soo buuxiyay Walxaha Qarxa, halkaas oo ay ku taalay Maqaayad yar oo ay Habeenkii ka cashayn jireen inta badan Wariyayaashu. waxaana markiii la soo dhigay Gaarigan ay Wariyayaashu ku qayliyeen ninkii watay oo ay ka dalbadeen inuu ka dhaqaajiyo Gaariga, lkn wuu ka madax adaygay Dalabka Wariyayaasha, Wuxuuna bartii ugu dhaqaaqay Gaarigii, hase yeeshee kama aysan dambayn Wariyayaashii bartii ayeey ku kala carareen. wax yar kadibna wuu qarxay Gaarigii.

Qaraxa ugu dambeeyay waxa uu dhacay Maanta oo ay taariikhdu tahay 2-da Jan-2016 waxaana Qaraxani isku soo xiray Qof doonayay inuu laayo Wariyayaal ku shaahaynayay Halkaasi, Wuxuu Qofkani oo ahaa Nin Da’ Dhexaad ah Kursi soo dhex dhigtay Wariyaaasha, isagoo ay ka muuqatay Dhiilo iyo Argagax, markiibana waxay Wariyayaashu billaabeen inay ka shakiyaan, isna markuu arkay in la fahmi karo ayuu billaabay inuu furto Qaar ka mida Galuusyadiisa si uu u gaaro Halkii uu ka taaban lahaa Qaraxa si ay goobtu u bas beesho, Lkn markii ay arkeen Dhaqdhaqaaqa Ninkan ayeey Wariyayaashu billaabeen Qaylo iyo Orod, isna bartii ayuu isku qarxiyay, Waxaana ku dhintay isagii iyo Qof Rayid ah.

2-dan Qarax ee dambe waxay Wariyayaashu qabeen Dareen iyo Feejignaan ay ka barteen Qaraxyadii hore, Waxayna Feejignaantoodu badbaaday iyaga iyo Dadkii kale ee Shacabka ahaa ee ka ag dhawaa. hadaba maxay tahay Sababta loo qarxinayo Wariyayaasha,?

in badan waxaa la bartilmaameedsaday Wariyayaal si kali kali ah u socda, kuwaasoo siyaabo kala duwan ay Bastooladleey ugu dileen Gudaha Somalia, inkastoo aan sidaas ku waynay Saaxiibo badan, haddana naguma qasbin inaan ka tagno Mihnadeena, Waxayna Wariyayaashu ka sii wadeen shaqadda halka ay uga tageen Saaxiibadoodii la dilay. markii ay arkeen Argagixisaddu inaysan Baqdin galin Wariyayaasha Fariintoodii Dilalka ahayd, Waxay ka fakareen Xeelad kale oo ay ku aamusiyaan Warbaahinta Somalia. kadibna waxay isla qaateen inay Qaraxyo u isticmaalaan Wariyaasha si Wadar ah, Waxayna Qaraxyadani ugu gol leeyihiin Argagixisaddu inay ku aamusiyaan Warbaahinta Somalia.

ka sakoow Qarax Wadareedyadda lala bartilmaameedsanayo Wariyayaasha waxaa jira Wariyayaal si kali kali ah loola beegsaday Qaraxyo oo ka soo billawday kii lagu dilay Cali Iimaan Sharmaake, Qarixii lagu dilay Yuusuf Kaynaan, Qarixii uu ka badbaaday Wariye Mohamed Abdalla Haji oo Gaarigiisii ku gubtay, Qarixii ay ku dhimatay Hindia Haji Mohamed, iyo Sidoo kale Qarax uu ku dhaawacmay Wariye Nuure Maxamad Cali oo ku waayay Qayb ka mida Jirkiisa.

Talo

Ugu Dambayn Wariye ka digtoonoow Dabinka Argagixisadda, kana fogaada goobaha ay khatartu idinkaga imaan karto, isu imaatinka Maqaayadaha iska furan ee aan lahayn Xayndaabka waxaa ka dhalan karta Khatar Amni, sidoo kale feejignaan qaba waqtiyadda ay dhici karto in la idin beegsado oo sida laga bartay Casharaddii hore u badan markaad u socotaan Guryihiina ama aad ka soo baxdaan. ama idinka oo fadhiya Guryihiina horteeda. ku dadaal inaadan ugu yaraan joogtaysan Goob Fadhi oo lagu yaqaan ama Waddo aad si maalinle ah u isticmaasho, haddii aad dhawr waqti oo isku xigta aragto Qof aadan garanayn oo fadhiya Wado joogto kuu ah, ama meel u dhow Gurigaaga waxaad la xiriirtaa Xarunta Amni ee kuugu dhow si laguu caawiyo.
F.G:- Waxaa jira Wariyaal siyaabo kala duwa ugu dhintay Qaraxyo aysan iyagu ahayn bartilmaameedka 1aad, sida Qarixii Shaamoow, iyo Qarixii Albaabka Ex-Fiyoore.

 

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip