Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-16aad, By: Aweis Xuseen Shiino!

0
Friday May 08, 2009 - 11:13:10 in Dhaawac aan bogsaneyn by Xarunta Dhexe
  • Visits: 4222
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-16aad, By: Aweis Xuseen Shiino!

    Waxaan kale oo aan kordhiyay tegidii aan Ruuni ugu tegayey Dugsiga ay dhiganeysay , si aan la ii fahmin sababta aan Dugsigaas ugu noqnoqonayana waxaan dhiirri geliyay qaar ka mid ah ardeyda halkaas joogtay oo aan xaafadda isla degganeyn si ay u qoraa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaan kale oo aan kordhiyay tegidii aan Ruuni ugu tegayey Dugsiga ay dhiganeysay , si aan la ii fahmin sababta aan Dugsigaas ugu noqnoqonayana waxaan dhiirri geliyay qaar ka mid ah ardeyda halkaas joogtay oo aan xaafadda isla degganeyn si ay u qoraan Wargeyska derbiga , fikiraddaasna waxaa soo dhaweeyay maamulihii dugsiga wuxuuna u arkey maaddaama aan anigu kaalmeynaayo ardeyda in ay ka guuleysan doonaan Dugsiyada kale oo ay tartanka qoraal kula jiraan , sidaasna waxaa iigu suurto gashay inaan Ruuni halkaas kula kulmo waqtigii aan doono oo ay duruufuhu ii saamaxaan.


Waxaa dhacdey markii ay maqashay Ruuni arrintaas ah in aan ka kaalmeynayoardeyda dhinaca qoraalka ayna aragtey in aan la joogo ardeyda, xafiiska maamulaha anigoola qorsheynaya sidii aan u soo saari laheyn wargeyska derbiga , in ay iskey tusto oo ay soohor istaagto xafiiskii, markii ay indhaheynna isku dhacaanna intey ii dhoollo caddeyso ay markaas ka soo dhaqaaqdo xafiiskii, taasoo aan u qaatey isoo raac, dabadeedna ilbiriqsiyo keddib aan u soo raaco , waxayna iiistaagtey meel xafiiskii ka fog oo gees aheyd.

Waan u imid waana isi salaaney , mar haddii aysan ila hadleyn waxaan u sheegay sababta aan ardeyda ukaalmeynaayo in ay tahay iyada darteed , anigoo doonaya in aan iyada halkaan ku arko keddibna haddii ay ii suurto gasho aan ula hadlo iyadoon ley fahmin...balse aysan ila hadleyn , taasina ay tahay wax aan fiicneyn oo aanan ka mudneyn , maadaama aan aheynin walaalkeed ah oo ilaa yaraanteedii aranaayey.

In kasta oo aan ereyadaas culculus ku iri Ruuni haddana ilama hadal , waxaanse wejigeeda ka aqristay in ay ka xun tahay aamusnaanta ay iga aamusan tahay balse aaney diyaar u aheyn iney ilahadasho oo ay wax erey ah i tiraahdo.

Dhowr mar ayaan sidaas oo kale ugula kulmay Ruuni halkaas... xitaa qaar ka mid ah wargeysyadii aderbiga oo aan la diyaariyay fasallada qaarkood waxaan ugu qoray farriin iyada ku socota , waxaana ka mid ahaa mowduuc aan ardadii qoraalladaas diyaarineysay aan uga dhaadhicinaayey inuu tusaale u yahay waraaq qorista wanaagsan , hadalladii aan tusaalaha ugu soo qaatey warqaddaas oo aan ku qoray waxay ka koobnaayeen wiil u sheeganaya gabar uu jecel yahay barnaamij uu rabo iney wax kala qabato, iyaduna aaney dooneyn iney fursad siiso xitaa codkeeda ay u diiddan tahay iney maqashiiso.

Runtii qoraalkaas waxaan ka quud adrreynayey in Ruuni aqrisato oo ay markaas wax ilaqabato,laaakiin wax isbeddel ah kamaarag xitaa ma ogaan in ay Ruuni farriimahaas iyo qoraalladaas aqrisatey Ruuni, waxaanse anigu u qaatey ineysan marna Ruuni u gudbin doonin wax fikrad ah maadaama ay og tahay inaan anigu wax ku qorin wargeysyadaas.

Lasoco khamiista dambe
Aweis Xuseen Shiino Muqdisho - Somalia

Aqri Qeybihi Hore ee Sheekada

Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-15aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-14aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-13aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-12aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-11aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-10aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-9aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-8aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-7aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-6aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-5aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-4aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-3aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-2aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-1aad,

NB: Qoraalkaan Xaquuqdiisa Waxaa leh Qoraaga Ku Saxiixan. & Maamulka Shabakada Warsheekh , Fadlan Mala Daabacan Karo, Waji Kalena Looma Ragi Karo, Ee Kala Xiriir Wixi kusaabsan Sheekadaan E-Mailka:Webmaster@warsheekh.com, Sheeko@warsheekh.com



Wixi Talo iyo Tusaale ah ee kusaabsan Sheekadaan Noogu Soo Hagaaji E-Mailka Shabakada Warsheekh ee SHeekooyinka sheeko@warsheekh.com.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip