Dood Xasaasi ah oo kadhalatay Wariye Soomaaliyad ah oo madaxa qaawisay

0
Saturday February 20, 2016 - 00:34:22 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1728
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dood Xasaasi ah oo kadhalatay Wariye Soomaaliyad ah oo madaxa qaawisay

    Fiidiyow aan ku sharaxaynay doorashada dalka Uganda, ayaa dhaliyay dood badan oo meelaha qaar ka cabanayeen dhagaystayaasheena ku hadla afka-Soomaaliga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fiidiyow aan ku sharaxaynay doorashada dalka Uganda, ayaa dhaliyay dood badan oo meelaha qaar ka cabanayeen dhagaystayaasheena ku hadla afka-Soomaaliga.

Fiidiyowga, oo aan galinnay bogagga BBC Somali fiidkii Arbacada – habeenkii ka horeeyay doorashada dalka Uganda, wuxuu sharaxaad ka bixinayay sadexda musharax ee ugu horeeya doorashada dalka Uganda, astaamaha ololahooda, iyo doorka dhalinyarada iyo adeegsiga warbaahinta bulshada ee doorashooyinka. Si wanaagsan ayaa loo soo dhoweeyay oo way anfacday dhagaystayaasha – waxay ahayd warbixin wanaagsan, oo xog gudbinaysa.

Hase yeeshee, qaar badan, ma aha dhamaan, dadka adeegsada Facebook, ayaa aragtidooda ka dhiibtay sida loo soo gudbiyay. Weriyaheenna BBC, ayaa ka soomuuqatay fiidiyowga, iyadoo aan madaxa daboolan. Taasina waxay dhalisay dood badan.

Dadka cabanayay, waxay sheegeen in ay arrintan ka soo horjeeddo dhaqanka haweenayda muslmimadda ah in aysan ka soo muuqan goobaha bulshada, iyadoo madaxa aan daboolan. Cabashooyinka qaar, ayaa xadgudub ahaa ama xitaa hanjabaad ahaa. Waxaanu ka saarnay kuwa aan u aragnay sidaas. Si waafaqsan shuruucda u degsan Boggeena Facebook –hanjabaad marna lama aqbalayo.

Dhinaca kale, qaar kale oo ra’yigoodu uu ahaa xasaasi, buunbuunis ayaa ku jiray, qoraaladooduna ma ahayn kuwo la aqbali Karo.

BBC, marnaba uma bareerto in ay si ula kac ah ugu xadgudubto dhagaystayaasheeda. Waxaa ka mamnuucaya mabaadii’da dhinaca tifaftirka iyo mas’uuliyadda ka saaran dhagaystayaasheeda. Ma nihin kuwo dhagaysta fikir gaar ah, ama soo gudbiya doodda hal dhinac oo kaliya – waa arrin xadgudub ku ah mabaadii’deenna dhinaca Tifaftirka.

Dabcan, BBC si dhab ah ayay u eegaysaa cabasho kasta, waxayna leedahay nidaamyo cad oo loo maro. Isla marka laga soo cawdo waxqabadkeenna, dhaqankeenna iyo shaqaalaheenna, baaritaan ayaan bilownaa, waxaanan qaadnaa tallaabooyinka ku haboon. Waa sida aan hadda sameynay. Anagoo muujinayna niyad wanaag, ayaan fiidiyowga ka saarnay baraheenna, sababo la xiriira walwalka laga qabo badbaadada shaqaalaheenna.

Haddii aan idiin caddeeyo, ma jirin wax dhib ah oo ka taagnaa dhinaca tifaftirka. Doodda ka dhalatay gabadha soo tabinaysay fiidiyowga, oo ah in loo baahan yahay in gabar kasta oo soo jeedinaysa fiidiyow ama telefishin BBC Somali in ay madaxa daboosho, waa dood muhiim ka ah gudaha bulshada Soomaalida, waa mid ay muhiim tahay in BBC ay muujiso oo ka sii fakarto.

Waxaa jira dumar badan oo muslim ah oo doortay iskood in aysan timaha daboolin – waxaan u baahan nahay in aan xaqiijinno in fikirkooda la maqlo, iyaga iyo kuwa ka soo horjeedaba.

Dhibaatadan oo kale, waxaanu kala kulannay dalal kale, waana in aan wax ka barannaa khibradaha aan ka kororsannay. Waxaan kaloo aan ku casuumaynaa dhagaystayaasheenna in ay fikirkooda ku biiriyaan dooddan. Balse dabcan, waxaan jeclaan lahayn in fikirka dhiibashadaas ama soo gudbinta cabashadu, ay noqoto mid ka dhowrsan aflagaaddo iyo hanjabaad.

Solomon Mugera, Tifaftiraha qaybta BBC Africa.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip