Al-shabaab geedi ah oo gaaray deegaano hor leh oo ka tirsan Puntland

0
Wednesday March 16, 2016 - 02:08:01 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1682
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-shabaab geedi ah oo gaaray deegaano hor leh oo ka tirsan Puntland

    Al-shabaab geedi ah oo gaaray deegaano hor leh oo ka tirsan Puntland---

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Al-shabaab geedi ah oo gaaray deegaano hor leh oo ka tirsan Puntland---
 

Ilo-wareedyo ku sugan Degmadda Gara-cad ee Gobalka Mudug ayaa waxay xaqiijinayaan inay barqanimaddii maanta halkaasi gaareen Dagaalyahanno ka tirsan Alshabaab.

Ilaa 2 dooni oo nooca waa weyn oo ay la socdeen Alshabaab ayaa la sheegay inay maanta gaareen Gara-cad, waxayna dadku sheegeen inay Alshabaab wateen hub aad u fara badan.

Guddoomiyaha Gara-cad, C/nuur C/llaahi Xersi ayaa sheegay inay halkaasi soo gaareen Alshabaab fara badan, taasi oo sababtay inay dadka rayidka u firxadaan Deegaanadda kale.

Shalay ilaa xalay, ilaa 5 dooni oo ay Alshabaab leeyihiin ayaa gaaray Xeebta Gara-cad, kuwaasi oo la sheegay inaysan wax dhibaato ah u geysanin dadka rayidka.

Dhinaca kale, Alshabaab waxay maanta fariisimo ka dhigteen gudaha iyo daafaha Gara-cad, iyadoo warar saakayto soo baxay sheegeen inay Alshabaab isaga huleeleen Gar-cad.

Sidoo kale, Alshabaab watay doonyo ayaa gaaray duleedka Degmadda Eyl ee Gobalka Nugaal, kuwaasi oo la sheegay inay isku ballaariyeen Deegaanka garmaale.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip