Puntland oo la Wareegtay Deegaanka Garmaal kana Hadashay Khasaarihii ka dhashay Dagaalka -

0
Thursday March 17, 2016 - 03:11:13 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1854
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland oo la Wareegtay Deegaanka Garmaal kana Hadashay Khasaarihii ka dhashay Dagaalka -

    Maamulka Puntland ayaa sheegay inay ka qabasadeen deegaanka Garmaal oo ku dhow degmada Eyl ee gobolka Nugaal ciidammo Al-shabaab ka tirsan oo habeen hore qabsaday.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Puntland ayaa sheegay inay ka qabasadeen deegaanka Garmaal oo ku dhow degmada Eyl ee gobolka Nugaal ciidammo Al-shabaab ka tirsan oo habeen hore qabsaday.


Guddoomiyaha Gobolka ayaa sheegay in dagaalkii saakay dhacay ay ciidamada Puntland ku dileen 13-dagaalyahan oo Al-shabaab ka tirsan, ayna deegaanka ka qabsadeen, isagoo xusay in xoogaggii Al-shabaab ay aadeeen dhinaca badda.

"Waxay ciidamada Puntland dileen 13 xubnood oo Al-shabaab ka tirsan, sidoo kale waxaa jira dhaawacyo kasoo gaaray dagaalka,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka oo aan sheegin khasaaraha dagaalkaas kasoo gaaray dhanka ciidamada Puntland ee dagaalka la galay.

Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa intaas ku daray in xoogaggii Al-shabaab ee ay la galeen saakay dagaalka ay tiradoodu gaaraysay 250 ruux, ayna ka adkaadeen, wuxuuna hadalkiisa ku daray inay deegaanno kale kusii wajahan yihiin ciidanka Puntland.

Dhanka kale, Xoogaggii Al-shabaab ayaa weli ku sugan deegaan ku dhow Gara-cad oo ka tirasn gobolka Nugaal, kuwaasoo tiradooda lagu sheegay 400-qof , laakiin ay ku wajahan yihiin ciidamada Puntland oo saakay u dhaqaaqay deegaankaas.

- See more at: http://hiiraan.com/news/2016/Mar/wararka_maanta16-95198.htm#sthash.fddbfl2p.dpuf

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip