Dal kuyaalo Qaarada Yurub oo mamnuucay qaadashada xijaabka dumarka

0
Sunday October 02, 2016 - 22:44:01 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 3321
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dal kuyaalo Qaarada Yurub oo mamnuucay qaadashada xijaabka dumarka

    Baarlamaanka dalka Bulgaariya ayaa maalin kahor ansixiyay sharci cusub oo mamnuucaya in haweenka Muslimiinta ah ee kunool dalkaas ay xirtaan xijaab jirkooda dhan wada qarinaya iyo Indho Shareer.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Baarlamaanka dalka Bulgaariya ayaa maalin kahor ansixiyay sharci cusub oo mamnuucaya in haweenka Muslimiinta ah ee kunool dalkaas ay xirtaan xijaab jirkooda dhan wada qarinaya iyo Indho Shareer.

Sharcigan cusub ee Ansixiyeen Baarlamaanka Bulgaariya ayaa faraya in ganaax lacageed oo gaaraya 100 euro lagu soo rogo cidii jabisa sharcigan cusub ee caadiska lagu saarayo haweenka Muslimiinta ah ee kunool dalkaasi.

Qaar kamid ah magaalooyinka dalka Bulgaariya ayaa horey u meel mariyay sharcigan kana mamnuucay haweenka Muslimiinta ah in ay xirtaan xajaab weyn oo astura jirka haweenka Muslimiinta ah iyo Indho Shareerka.

Dalka Bulgaariya ayaa la sheegay qiyaastii muslimiinta kunool in ay gaarayaan 13% , waxaana dadka muslimiinta ah qaar bada oo kamid ah asal ahaan kasoo jeedaan dalka Turkiga , waxaana sharcigan cusub kasoo horjeestay xisbi ilaaliya danaha dalka Turkiga ee kunool dalka Bulgaariya.

Wadamo kale oo kuyaala qaarada Yurub ayaa horey uga mamnuucay haweenka Mulimiinta ah in ay xirtaan xijaabka jirkooda wada qarinaya iyo Indha Shareerka, waxaana wadamadasi kamid ah Faraniiska, Biljamka iyo Wadamo kale.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip