Ururka Al Shabaab Oo Dad Shacab Ah Ku Dilay Deegaanka Ceel-cali

0
Wednesday October 12, 2016 - 15:01:10 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 1405
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ururka Al Shabaab Oo Dad Shacab Ah Ku Dilay Deegaanka Ceel-cali

    Guddoomiyaha Degaanka Ceel Cali ee Gobolka Hiiraan Yaroow Cali Cumar Abiikar ayaa sheegay in 6 Qof ay dileen Al Shabaab 4 ka mid ahna la gowracay halka labo lagu dilay Rasaas sida uu warbaahinta u sheega Gudoomiyaha.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Degaanka Ceel Cali ee Gobolka Hiiraan Yaroow Cali Cumar Abiikar ayaa sheegay in 6 Qof ay dileen Al Shabaab 4 ka mid ahna la gowracay halka labo lagu dilay Rasaas sida uu warbaahinta u sheega Gudoomiyaha.

Guddoomiyaha ayaa inta aku daray in Al Shabaab dad ku dhow 55 Qof oo kale ay gacanta ku hayaan islamarkaana aysan caddeyn in la dilayo iyo in kale.

Waxaa uu sheegay Gudoomiyaha in Dowladda Soomaaliya iyo maamulkooda ay wadaan dadaal ay dib ugu laabanayaan degaanka Ceel Cali oo ay shalay isaga baxeen Ciidanka dowlada soomaaliya iyo kuwa dowlada Itoobiya.

Waxaa uu sheegay Guddoomiye Yaroow,in duleedka magaalada ay ku dagaallamayaan Ciidan ka tirsan Al Shabaab iyo Dadka degaanka oo is abaabulay kana soo horjeeda qabsashada Ururka Al Shabaab ee degaanka Ceel Cali.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip