Ururka Al Shabaab Oo Maanta La Wareegay Deegaanka Halgan

0
Sunday October 23, 2016 - 14:35:24 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 1376
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ururka Al Shabaab Oo Maanta La Wareegay Deegaanka Halgan

    Al Shabaab ayaa la wareegay gacan ku heynta deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan, kadib markii ay ciidamadda Itoobiya ee AMISOM ay ka baxeen deegaankaas oo ay gacanta ku hayeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Al Shabaab ayaa la wareegay gacan ku heynta deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan, kadib markii ay ciidamadda Itoobiya ee AMISOM ay ka baxeen deegaankaas oo ay gacanta ku hayeen.

Al Shabaab ayaa sheegtay in ay si buuxda u maamulaayaan gacanta ku heynta deegaanka Halgan oo ay saaka ka baxeen ciidanka dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale ciidanka dowladda Itoobiya .

Ciidamada Itoobiya ayaa dabayaaqadii bishii September ka baxay deegaanka Moqokori ee gobolka Hiiraan, waxaana ay sidoo kale ka baxeen deegaanka Ceel Cali oo Baledweyne u jira 75 km.

Deegaanka Halgan ayaa Qiyaastii 45-KM wuxuu u jiraa Degmada Buulo burte ee Gobolka Hiiraan, waxaana uu ku yaalaa deegaankaan wadada xiriirisa Baledweyne iyo Buulo burte.

Ilaa iyo hadda si rasmi ah looma oga sababaha ugu wacan ka bixitaanka ciidamada Itoobiya ee qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan.

 
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip