Hase yeeshee dhammaantood ma aysan wada helin maamuuskii iyo soo dhoweyntii ay filanayeen, qaar ayaa xasbiga ku jira muddo sanado ah, qaar kalena dowladda ayay xilal ka qabteen, halka kuwa kalena iyaga iyo qoyskoodaba ay fursad u heleen in ay aadaan dalka dibaddiisa.
Haddaba maxaa ugu wacan in qaarna ay xabsi ku raagaan, qaarna ay xasaanad iyo shaqooyin dowladeed helaan?.
Shawqi Xayir waa falanqeeye arrimaha Geeska Afrika, waxa uu qabaa in barnaamijkii cafiska oo dhan la siyaasadeeyay, islamarkaasna laga booday dhammaan hab raacyadii degenaa, ayna xaaladda noqotay rabitaanka shaqsiyaadka madaxda ka ah dowladda.
Waxa kale oo uu sheegay in madaxda federaalka ee hadda joogta ay u muuqdaan kuwa midba midka kale uu ka ficil qaato, kuna xumeeyo go'aanka uu qaadanayo "Tusaale wasiirka amniga wuxuu yiri xaaladda Mukhtaar Rooboow war haka keento NISA, kadib warbaahinta ayaa jawaabta loo mariyay, iyada oo la leeyahay wuu fiicanyahay, jaamacad ayuu dhigtaa, waxaa halkaasi kuu muuqanaysa in wada shaqayntii dowladda dhexdeeda ay aad u xuntahay".
Wuxuu intaas ku daray in saraakiisha iyo madaxdii Alshabaab ee laga yaabi lahaa in ay isa soo dhiibaan ay dhici karto in ay lugta gadaal u dhigaan , iyaga oo arkaya sida uu yahay xaalka dowladda.
Haddaba yaa ka mid ah madaxdii Alshabaab ee qaarna xabsiga ku jira, qaarna maamuus iyo xilal heley?.
Maxamed Siciid Atam
Waa xubin sare oo ka tirsanaa ururka Alshabaab kana dagaalamayay buuraha Galgala ee gobolka Bari. 7 dii June, sannadkii 2014 ayuu ku dhawaaqay in uu ka goostay ururka Alshabaab islamarkaana uu ka tanaasulay guud ahaan fekerkii ururka ee uu u dagaallamayay.
Isaga oo sababeynaya isa soo dhiibiddiisa ayuu yiri "Waxaan caddeynayaa in wixii maanta ka dambeeya aan ka baxay Al-shabaab, isla markaana aan joojiyay colaaddii aan qaybta ka ahaa; waayo waxaan in muddo ah u dul-qaadanayay khaladaadka hoggaamiyaha Al-shabaab, Axmed Cabdi Godane uu ku hayo shareecada islaamka iyo dadka muslimiinta ah. Arrimo badan oo jira awgood, dhallinyarada loo sheegay in loo dagaalamay isku xukunka shareecada islaamka ma ahan wax sax ah," ayuu ku yiri shirkiisii jaraa'id ee ugu horreyay ee uu qabtay Atam.
Wixii markaas ka dambeeyay dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa dowladda Qadar ayaa ka caawisay in Atam uu magangalyo siyaasadeed ka helo Dooxa, 23-kii bishii Febraayo sannadkii 2016 kii ayeey ugu dambeyn Atam iyo ehelkiisa u hayaameen Qadar iyadoo la fulinayo heshiiskii labada dhinac.
Sakariya Axmed Ismaaciil
Dhanka kale waxaa jira xubna sarsare oo ka tirsanaa ururka Alshabaab, kuwaas oo dowladda Soomaaliya la shaqeeya hadda. Madaxii hore ee amniyaadka Alshabaab Sakariya Ismaaciil Xirsi oo horey Mareykan ku madaxiisu u duldhigay 3milyan oo dollar ayaa December sannadkii 2014 isku soo dhiibay dowladda Soomaaliya.
Sannadkii 2017 ayaa loo magacaabay madaxa sirdoonka hay'adda nabadsugidda Soomaaliya ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaano NISA, ka hor inta aanan xilkaas laga qaadin December 2019 kii. Inkasta oo Sakariye uusan door firfircoon ka ciyaareyn howlaha hay'adda muddooyinkii u dambeeyay, haddana waxaa la aaminsan yahay in uu qeyb ka yahay saraakiisha ugu waaya aragsan NISA.
Isa soo dhiibiddii Sakariye waxa ay waddada u furtay in saraakiil heer dhexaad ah oo ka tirsanaa ururka Alshabaab iskusoo dhiibaan hay'adaha dowladda sida ay aaminsan yihiin khubarrada dhanka ammaanka.
8 Maarso 2015 ayay dowladda Maraykanka liiska argagixisada ka saartay Sakariye
Xasan Daahir Aweys
Marka laga soo tago xubnaha isa soo dhiibay ee dhammeystiray shuruudaha, waxaa jiray saraakiil sarsare oo ka tirsanaa Alshabaab islamarkaana aan dhammeystirin hanaanka isa soo dhiibidda. Sheekh Xasan Daahir Aweys hoggaamiyihii hore ee ururka xisbul Islaam, markii dambena ku biiray Alshabaab ayaa weli xabsi guri ku ah magaalada Muqdisho. Haddaba Xuseen Sheekh Cali markale ha inoo sharxo farqiga u dhexeeya Xasan Daahir Aweys iyo isa soo dhiibayaashii kale.
"Kiiska Xasan Daahir waa uu ka duwan yahay kiisaska Rooboow iyo Atam. Xasan isma soo dhiibin, inkastoo uu dhowr jeer lasoo xiiriray dowladda, aniguna aan kamid ahaa dadkii la macaamilayay, haddana go'aan ayuu markii dambe ku qaatay in uu Galmudug ka dago qaab qabiilna isku dhiibo, markii uu Galmudug tegay qabiilka ayaa dowladda usoo gacan geliyay oo qaab aan ka wada dharagsannahay ayuu Xamar ku yimid, waa lala hadlay, oo la isku dayay in lagu qanciyo in isaga oo aan isa soo dhiibin isa soo dhiibe noqdo, ha yeeshee waa uu ka biya diiday Xasan Daahir sidaas ayuu xabsi guri u yahay illaa hadda, Mar haddii uu diiday in uu oggolaado saddexdii qodob ee muhiimka u ahayd isa soo dhiibidda, ama uu si cad u sheego in uu ka tanaasulay fekerkiisa".
Inta badan waa ay xirmeen xerooyinkii loogu talagalay isa soo dhiibayaasha, sida ay ilo xog ogaal ah inoo xaqiijiyeen, halka hoos u dhac badan laga dareemayo isa soo dhiibayaasha heerka dhexe iyo kuwa sare tan iyo markii dowladda Soomaaliya ay xabsiga u taxaabtay Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur oo horey iskugu soo dhiibay dowladda Soomaali, sida uu qabo wasiir hore Cabdirashiid Cabdullahi.
April 2017, madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa cafis u fidiyay cid kasta oo dooneysa in ay Alshabaab kasoo baxdo iskuna soo dhiibto dowladda Soomaaliya, taas oo fursad u siisay in ay isoo dhiibaan tiro aad u badan sida uu ii xaqiijiyay sarkaal magaciisa diiday in aan warbaahinta u isticmaalno oo ka tirsan xarunta dhaqancelinta Sarandi.
Sheekh Mukhtaar Rooboow
Sheekh Mukhtar Robow wuxuu ka mid yahay aasaasayaashii ururka Al-Shabaab oo in ka badan 10 sano ka dagaallamaya Soomaaliya.
Wuxuu ahaa taliye ku xigeenkii Midowgii Maxaakiimta oo 2006-dii ka adkaaday isbeheysigii la dagaalanka argagixisada oo ay ku mideysnaayeen dagaal oogayashii Muqdisho.
Abuu Mansur Roobow wuxuu ka mid noqday hoggaamiyayaashii Al-Shabaab ee soo caanbaxay ka dib markii Maxaakiimtii laga saaray Muqdisho, dhammaadkii 2006-dii.
Wuxuu noqday afhayeenka iyo ku xigeenka Al-Shabaab, sannadkii 2007-dii, isaga oo ka hadli jirey fagaarayaasha dadka la isugu keeno iyo waliba saxaafadda.
Laakiin waxaa loo arkay in Roobow uu xagga aragtiyada ka dabacsanaa hoggaamiyeyaashii kale ee mayalka adkaa ee Alshabaab, ayna ku jirtey waddaniyad, sida laga soo xigtay dadkii ka agdhowaa.
Rooboow ayaa mar noqday afhayeenka Alshabaab, markalena wuxuuba gaaray illaa heer hoggaamiye ku xigeenka Alshabaab.
Waxaa xitaa la sheegey in Roobow uu ka qeybgalay shirkii Asmara ee la isugu geeyey siyaasiyiin ay ka mid ahaayeen Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Shariif Xasan Sheekh aadan oo markii dambe dalka madax ka noqday.
Mukhtaar Roobow ayaa xabsiga loo taxaabay bishii December ee sannadkii 2018-kii, xilli uu wakhti kooban ka harsanaa doorashadii madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, taas oo musharrax saameyn leh uu ka ahaa.
Xariggiisa ayaa sababay in qalalaase uu ka dhaco magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, iyadoo las oo tabiyay in qulqulatooyinkaas ay waxyeello isugu jirta dhimasho iyo dhaawac ka soo gaartay dad rayid ah iyo dibadbaxayaal taageersanaa Mukhtaar Robow.
Horraantii sannadkii 2019-kii, siyaasiyiin ka soo jeeda Gobolka Koonfur Galbeed ayaa BBC-da u sheegay in uu dib u dhac ku yimid rajo laga qabay dhaqdhaqaaqyada ku aaddan sii deynta Mukhtaar Roobow.
Gunnaanad
Waxaa kale oo jira saraakiil boqolaal gaaraya oo siyaabo kale duwan iyo meelo kala duwa dowladda isugu soo dhiibay, kuwaas oo qaarkoodna ay xabsi ku dambeeyeen, qaarkoodna ay xilal muhiim ah ka hayaan dowladda ayba mar ka qabteen.
Meelaha ay galeen waxaa ka mid ah ciidamada kala duwan ee amniga, guddiyada doorashada, wasaaradaha iyo xitaa maamul goboleedyada.
Madaxdii Alshabaab ee dowladda isu soo dhiibay, qaarna waa xabsi kuwana xasaanad ayay heleen
Sanadihii lasoo dhaafay, waxaa dowladda federaalka Soomaaliya isu soo dhiibay madax iyo saraakiil sarsare oo ka tirsan Alshabaab kuwaas oo sheegay in ay ka tanaasuleen fikirkii ururkaasi, islamarkaasna taageereen dowladnimada Soomaaliya.