Dowladda Soomaaliya oo si mug leh uga jawaabtay masiibadi Suuqa Hargeysa

0
Sunday April 03, 2022 - 18:15:41 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 767
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Soomaaliya oo si mug leh uga jawaabtay masiibadi Suuqa Hargeysa

    Raysal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa goordhaw soo saaray amar deg deg ah oo ku aadan si dhaqso leh loo fasaxo lacag dhan $11,700,000, Kow iyo Toban Milyan iyo Toddobo Boqol oo Kun oo Doollar, taasoo ku jirta xisaabta dowl

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Raysal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa goordhaw soo saaray amar deg deg ah oo ku aadan si dhaqso leh loo fasaxo lacag dhan $11,700,000, Kow iyo Toban Milyan iyo Toddobo Boqol oo Kun oo Doollar, taasoo ku jirta xisaabta dowladda Federaalka Soomaaliya.

War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Raysal wasaare Rooble ayaa waxaa lagu sheegay in lacagtaan uu fasaxay Raysal waaaaraha ay tahay deeq caalami ah oo loogu talogalay mashaariicda horumarinta Soomaaliland.

"Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa amray in si deg deg ah loo fasaxo lacag dhan $ 11,700,000 ( Kow iyo Toban Milyan iyo Toddobo Boqol oo Kun oo Doollar) oo ku jirta xisaabta DFS, taas oo ah deeq caalami ah oo loogu talogalay mashaariicda horumarinta Somaliland, si loogu xoojiyo howlaha gurmadka ee looga jawaabayo masiibadii ka dhalatay dabkii baabi’iyay suuqa weyn ee magaalada Hargeysa" ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Xafiiska Rooble.

Fasaxa deg dega ah ee lacagtaan ayuu Raysal Wasaaraha Soomaaliya uu ku sheegay iney tahay mid lagu xoojinayo howlaha gurmadka ee looga jawaabayo masiibadii ka dhalatay dabkii xooganaa ee baabi’iyay suuqa weyn ee Magaalada Hargeysa, kaasoo geystay khasaaro hantiyadeed oo gaareya 2 Bilyan oo dollar.

 
 
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip