Akhri:-Natiijadii Kasoo Baxday Doorasho Ka Dhacday Kismaayo Oo Si Cad Loo Diiday

0
Tuesday February 07, 2017 - 11:34:05 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 1741
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Akhri:-Natiijadii Kasoo Baxday Doorasho Ka Dhacday Kismaayo Oo Si Cad Loo Diiday

    War kasoo baxay Guddiga Doorashooyinka Dadban ee heer Federaal ayaa lagu diiday Natiijadii Shalay kasoo baxay Doorasho ka dhacday Magaalada Kismaayo oo uu kusoo baxay Cabdulaahi Maxamed Aadan Shaacir .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War kasoo baxay Guddiga Doorashooyinka Dadban ee heer Federaal ayaa lagu diiday Natiijadii Shalay kasoo baxay Doorasho ka dhacday Magaalada Kismaayo oo uu kusoo baxay Cabdulaahi Maxamed Aadan Shaacir .

Guddiga ayaa amray in dib loogu laabto markale Doorshada xildhibaankaasi oo ka mid ahaa xildhibaanadii 5 ahaa ee maamulka Goboleedyada lagu celiyay.


War kasoo baxay Guddiga Doorashada oo nuqul ka mid ah nasoo gaaray ayaa sidaan u qornaa:-


Ku: Xubnaha Guddiyada gaarka ah ee u xil saaran qabashada kursiga Doqon Diide ee Gaaljecel

Ujeddo: Go’aanka GFHDD ee Kursiga Juffada Doqon Diide ee Beesha Gaaljecel Xubnaha GFHDD waxay isku raceen markii ay ka doodeen kursiga Doqon Diide si xal looga gaaro tallaboyinka soo socda:

1. In la raaco sida hannanka doorashada dadban qabo in juffada kursiga iskaleh ee Doqon diide keliya ay ka timaado ergada iyo musharaxiintaba.

2. In hannanka doorashada si cadaalad ah ugu dhacdo oo la waafajiyo xeerka codeynta iyo tirinta coddadka ee ay GFHDD u dejiyeen dorashada dadban.

3. In xubnaha GFHDD ay hubiyaan warqadaha codbixinta in aysan calamadaysanayn ka hor inta aan la codayn iyo ka dib markii la codeeyo.

4. In marqaati looga dhigo lana tuso warqadaha lagu codeynaayo korjoogayaasha, warbaahinta iyo wakillada Qaramada Middoobay si doorashada ay u noqoto mid daahfuran oo cadaalad ku dhacday.

Sidaas darteed xubnaha GFHDD wuxuu ka codsanayaa xubnaha Guddiga gaarka ah ee loo idmaday qabashada kursigaas Doqon Diide ee Jubbaland in ay doorashadiisa soo gabagabeyaan ka hor doorashaa Madaxwaynaha.

Guddigu waxuu aad uga mahadcelinayaa xubnaha labada Guddi ee maraynaya doorashada kursiga Doqon Diide ee lagu qabanayo magalada Kismaayo.

Guddiga wuxuu rumaysan yahay in xubnahaas ay daadaal iyo juhdi badan geliyeen in si cadaalad ah u dhacdo doorashada kursigaas Doqon Diide lakiin ay kala kulmeen dhibaatooyin iyo ismariwaa.

Guddiga waxuu idiin rajaynayaa in aad ku gulaysataan doorashada kursiga.



----Dhamaad------







Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip