Ma run baa in gobolka Banaadir loo diiday kaqeybgalka shirka maamul goboleedyada iyo dowlada dhexe?

0
Sunday April 16, 2017 - 22:27:32 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 2453
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ma run baa in gobolka Banaadir loo diiday kaqeybgalka shirka maamul goboleedyada iyo dowlada dhexe?

    Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Md, Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa si rasmi ah u furay shirkaasi, khudbad uu halkasi ka soo jeediyay Madaxweynuhu ayaa si qoto dheer waxa uu uga waramay arimaha Siyaasadda, Amniga, Bulshada, Dhaqaalaha, Caaf

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Md, Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa si rasmi ah u furay shirkaasi, khudbad uu halkasi ka soo jeediyay Madaxweynuhu ayaa si qoto dheer waxa uu uga waramay arimaha Siyaasadda, Amniga, Bulshada, Dhaqaalaha, Caafimaadka, Abaaraha iyo Horumarka Wadanka, isagoo dhinaca kale soo bandhigay sidii qorshe midaysan loola tagi lahaa shirka bisha soo socoto lagu qabanayo Magaalada London ee cariga Ingiriiska.

Shirka maanta ka furmey Villa Somalia oo qaban qaabaadiisa ay iska laheyd Dawladda Federaalka ayaa waxa ka qeyb qaadanaya Madaxweynaha Soomaaliya Md, Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, Madaxweynayaasha Dawlad Goboleedyada Puntland, K/Galbeed, Jubbaland iyo Hirshabelle, sidoo kale waxaa madashaasi ka ka qeyb galayo Madaxweyne ku xigeenka Galmudug, kuwaasi oo Magaalada Muqdisho ku yimid martiqaad ay ka heleen Dawladda Dhexe.

Shirkaan oo looga hadlayo Aayaha Soomaaliya iyo Ajandayaashii lala tagi lahaa shirka Londan ayaa loo diiday in lagu casuumo Maamulka G/Banaadir oo u arimya in ka badan Seddex {3} Milyan oo Soomaali ah, shirkaasi ayaa ka qeyb galkiisa waxaa lagu koobay Dawladda Dhexe iyo Madaxweynayaasha Dawlad Goboleedyada oo kaliya, mana jirin masuuliyiin ama wakiilo shirkaasi ku matalayay shacbiga G/Banaadir.

La yaab ayay dad badan ku noqotey in maamulka G/Banaadir laga reebo madal looga tashanayo mustaqbalka Soomaaliya, lama oga sababaha maamulka Gobolka Banaadir loogu diiday ka qeyb galka shirkasi, dhawaan ayay aheyd markii ay Dawladda Federaalka ku martiqaadey Maamulka Banaadir inuu ka qeyb qaato shirkii looga hadlayay Abaaraha Soomaaliya ee Madaxweyne Farmaajo uu furey.

Gudoomiyaha cusub ee G/Banaadir iyo Gudoomiyiihii hore ee Gobolka ayaa maanta la arkayay iyagoo mashquul ku ah socdaal ay ku kala bixinayeen xarumaha D/Hoose iyo qaar ka mid ah Degmooyinka G/Banaadir, maamulka cusub ee G/Banaadir ayaa looga fadhiyaa inuu wax ka qabto tabasho kasta oo ay qabaan shacbiga G/Banaadir isla markaana uu soo dhiciyo xuquuq walba oo ka maqan ummadda ku nool Magaalada Muqdisho.

WQ: C/laahi Xasan Axmed Shiikhaalow
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip