Kulankii Lawada Sugaayey Ee Ka Dhacaayey Camp Nou Oo Kusoo Idlaaday 0-0

0
Thursday April 20, 2017 - 01:17:08 in Sports by Xarunta Dhexe
  • Visits: 3357
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kulankii Lawada Sugaayey Ee Ka Dhacaayey Camp Nou Oo Kusoo Idlaaday 0-0

    Kulankii Lawada Sugaayey Ee Ka Dhacaayey Camp Nou Oo Kusoo Idlaaday 0-0 Iyadoo Lugtii Hore Juventus Kusoo Itaal Roonaatay 3-0 Garoonkeeda Aggregate-kan Uu Noqday 0-3 Oo Juve Ugu Gudubtay Wareega Afar Dhamaadka Oo Ay Isugu Soo Hareen Kooxaha Kala Ah A

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulankii Lawada Sugaayey Ee Ka Dhacaayey Camp Nou Oo Kusoo Idlaaday 0-0 Iyadoo Lugtii Hore Juventus Kusoo Itaal Roonaatay 3-0 Garoonkeeda Aggregate-kan Uu Noqday 0-3 Oo Juve Ugu Gudubtay Wareega Afar Dhamaadka Oo Ay Isugu Soo Hareen Kooxaha Kala Ah Atletico De Madrid , Real Madrid Juventus Iyo As Monaco Oo Caawa 3-1 Ku Dubatay Kooxda Dortmund Iyadoo 6-3 Aggregate Ahaan Kusoo Baxday.

Kooxda Barca Ayaa Dadka Qaar Aaminsanaayeen In Ay Sameyn Karto Soo Laabasho Cajiib Ah Sidi Kulankii Wareega 16-ka Ee PSG Kulankaas Oo 6-1 Comeback Aan Caadi Aheynin Kusameysay Barca Balse Caawa Juventus Sheekadaas Gaashaanka Ayey U Daruurtay Iyadoo Muujisay In Ay Tahay Koox Leh Difaac Aad U Xoogan Oo Iska Cabin Kara Weerar Kasta Oo Haliis Ah.

Barcelona Caawa Dadaal Badan Ayey Sameysay Waxeyna Dhaafi Weysay Difaaca Birta Ee Juventus Oo Xilli Ciyaareedkaan Champions League Laga Dhaliyey Kaliya 2 Gool Waxaana Ay Juventus Haliis Ku Noqon Kartaa Koox Walboo Ka Hortimaado Wareega Afar Dhamaadka Maxaa Yeelay Waxa Ay Heysataa Difaac , Qad Dhexe Iyo Weerar Isku Xeran Oo Wada Shaqeynaya .

MSN Caawa Burhaantooda Waa Jabtay Waxkasta Ay Sameeyaan Wey Taaban Waayeen Shabaqa Juventus Walow Neymar Uu Ahaa Nin Dhaq Dhaqaaq Badan Balse Bilaa Natiija Ahaa Islamarkaana Ahaa Nin Xanaaq Badan Mudadi Ay Ciyaarta Socotay Taasoo Dhibaato Ku Ah Mustaqbalkiisa Ciyaareed Waa Laacib Balse Akhlaaq Wanaagsan Malahan Qeylo Darteedna Kaarka Jaalaha Ayuu Ku Qaatay Taasna Sumcadiisa Ayey Hoos U Dhigi Kartaa.

Si Walbo Juventus Labada Ciyaarba Wey Wanaagsaneed Home-kooda Kubad Weerar Ku Dhisan Ayey Ciyaareed Camp Nou Markee Yimideen Waxey Ciyaareen Ku Taatiko Ah Oo Difaac Iyo Jaanis Gaadmo Weyna Usuurtagashay In Ay U Gudbaan Wareega Afar Dhamaadka Hambalyo Ayaa Leeyahay Wey U Qalmeen Barca Iyadane Nasiib Wacan Waqtigaan Waqtigiina Ma Ahin.

Dhanka Kale Ciyaaryahaan ka Da'da Yar Ee Kylan Mbape Oo Lagu Tilmaamo Henry-ga Cusub Ayaa Caawa Sameeyey Taariikh Uu Kaligiis Kuyahay Oo Ah Inuu Noqday Ciyaaryahaankii Ugu Da'da Yaraa Ee Abid Champions League Afar Game Oo Knockout Dhaliyo 5 Goal da'da 18-aad Mana Jiro Ciyaaryahaan Sidaas Cml Sameeyey Wiil Mustaqbalka Leh


W/D. Cali Sheekh Axmed yare
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip