Maxaa looga hadlay kulankii Golaha Shacabka ee Maanta + Sawirro

0
Wednesday October 31, 2018 - 15:19:25 in Wararka by Warsheekh Muqdisho
  • Visits: 1150
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa looga hadlay kulankii Golaha Shacabka ee Maanta + Sawirro

    Kulanka 20-aad kalfadhiga 4-aad ee golaha shacabka ayaa maanta mar kale loogu dooday wax ka badalka xeer hoosaadka golaha shacabka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulanka 20-aad kalfadhiga 4-aad ee golaha shacabka ayaa maanta mar kale loogu dooday wax ka badalka xeer hoosaadka golaha shacabka.

Kulanka oo ay goobjoog ahaayeen 141 xildhibaan ayaa waxaa shir guddoominaayay guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka mudane Mahad Cabdalla Cawad.

Qodobada ay xildhibaanada ka doodeen ayaa waxaa ka mid ahaa ilaalada madaxda imaaneysa xarunta golaha shacabka iyo hubka ay wataan, sidoo kale qodob ka hadlaayay waqtiga ay qaadaneyso saxiixa madaxweynaha ee la xiriira hindise sharciyeedyada loo gudbiyo iyo waqtiga xukuumadda ku soo gudbin karto hindise sharciyeed.

Xildhibaanada ayaa soo bandhigay talooyin iyo fikrado la xiriira qodobada ku jira xeer hoosaadka golaha shacabka.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa sheegay in xildhibaanada loogu baahan yahay iney si taxadar leh u aqriyaan dhamaan xeer hoosaadka golaha shacabka.

Guddoomiye Mahad ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in si wadajir ah oo masuuliyad leh loogu doodo wax ka badalka xeer hoosaadka golaha lagu sameynayo.

" Waxaa soo jeedinaya in qodob qodob loo soo aqriyo xeer hoosaadka maadaama uu muhiim u yahay howlaha golaha, waxa idiinka codsanaya mudanayaal inad guddiga kala shaqeysaan sidii loo soo saari lahaa xeer hoosaad muhiim noo wada ah”. ayuu yiri guddoomiye Mahad.

Ugu dambeyn Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka mudane Mahad Cabdalla Cawad oo kulanka soo xeray ayaa sheegay in dooda xildhibaanada ay sii socon doonto.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip