Maansada: dood shacab

0
Friday August 11, 2017 - 13:11:26 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 4742
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maansada: dood shacab

    Maansadani waa dood dhex mareysa madaxweyne Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo ) iyo dadweynaha qaybaha saluuggu ku jiro, ee qaba, in wax gedman yihiin, haddaba anigoo muujinaya labada dhinac ee ay la kala taagan yihiin, ayaan ku cabbirey maansadan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maansadani waa dood dhex mareysa madaxweyne Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo ) iyo dadweynaha qaybaha saluuggu ku jiro, ee qaba, in wax gedman yihiin, haddaba anigoo muujinaya labada dhinac ee ay la kala taagan yihiin, ayaan ku cabbirey maansadan.

Haddii madaxdu oggolaato, in la dhaliilo oo ay dhegaystaan dhaliisha waxna ka qabtaan waa tallaabada lagu heli karo, wadatashi iyo ismaqalka bulshada iyo xukuumada, haddiise madaxdu gaclooto, in la ammaano iyaguna faanaan, dhaliishana ka soo horjeestaa, waa tallaabada kelitalisnimada iyo burburka, kala tagga iyo kalsooni xumada bulshada iyo xukuumadda. Maansadani waa furantahay, waxayna yeelan doontaa qaybo dambe, sidoo kale hal abuurka doonaya inuu ka falceliyo waa u furantahay.

1. Duubkiyo taajkii dalkaba
2. Ninkii dusha saartayow
3. Dadweyne ayaannu nahay
4. Kuwaad dumadaada iyo
5. Xilkooda u duubatee
6. Dushiyo oogada sudhee
7. Danguud kugu raacsanaa
8. Markaad duuleysayee
9. Duullaan ku ahayd kursiga
10. Duciyo hiil kuugu daray
11. Dhankooda dedaalayee
12. Samaha kaa damacsanaa
13. Ayaa dood kuu qabee
14. Diyaar ma u tahay duqow?.
15. Digtoorki wuxuu ku yidhi:
16. Duubki dalka iyo dadkuba
17. Dadweynaha doodda qaba
18. Ma qaar duuflaal ahoo
19. Dareemin waxqabad miyaa?
20. Ma qaar dumintii hore
21. Dagaalka u jeellanbaa?
22. Ma qaar kursi damacsanoo
23. Iney i dilaan rabaa?
24. Miyaaney dareemahayn
25. Waxaa nimco daadsanee
26. Dalkeenna haddeerto timid
27. Waxaa durdur guuxayee
28. Daruuraha hoorayaa
29. Miyey dadkan dacal mareen
30. Maxay u dan leeyihiin?.
31. Dadweynihiba ku yidhi:
32. Digtoor ma riyaa warkani
33. Halkee durur iyo xareed
34. Daruuruhu hooryaan?
35. Halkee daadkiyo nimcadu
36. Deegaantu ka muuqataa?.
37. Haddaad damashiyo xariir
38. Sariir ku dakeynasoo
39. Damaashaad kuu hirgelay
40. Dadbay gaajadu dishaa
41. Qaarbaa diif iyo xanuun
42. Jidhkoodu dakaamayaa
43. Qaarbaa dayaciyo dhib qaba
44. Doorkii ay kaa rabeen
45. Digtoor dalku kaa mudnaa
46. Dadweynuhu kaa ma helin.
47. Digtoorki wuxuu ku yidhi:
48. Kacaan dabadii dadyahaw
49. Dowladdi waa tayda qudha
50. Doorkuu u sitaa dalkuna
51. Dunidu way wada ogtahay
52. Direys iyo ciidankaba
53. Anaa dejiyee la soco
54. Digreeto middaan qoraa
55. Dadkoow u horreysayo
56. Hadduunbaan dowlad nahay
57. Dorraato hungaan ahayn
58. Dadkuna waa iiga marag
59. Halkeed wax ka diiddantiin
60. Duf iyo duumaba helee!
61. Dib baa loo guuxayoo
62. Duqaydiyo kii da’ yari
63. Dareenbaa wada galoo
64. Waxay biyo diidsan yiin
65. Dubaaqada duqii ka timid.
66. Damiirba miyaanu jirin?
67. Ma doxoruu noo qabaa?
68. Dad aan kasba Eebbe siin
69. Ma doqonbuu moodayaa
70. Dadweynaha heelka tuban
71. La diid hadalkii la diid.
72. Dalkeennu dhibbuu qabaa
73. Dadkuna dhiilluu qabaa
74. Haddii hadba dowdar helo
75. Sidii daaniga u cuno
76. Haddii daahuush ku dego
77. Dhiiggoodana dalamsado
78. Dushooda ku nool yihiin
79. Digtooroow dowladnimo
80. Middaan kugu doorranee
81. Dunida ay wada ogeyd
82. Miyaad iska diiddayoo
83. Dambiyo been may ahayd?
84. Digtoorow danaha guud
85. Dugsi dadku ay dhigtaan
86. Daryeel iyo caafimaad
87. Daw iyo jidad ay maraan
88. Dastuur iyo daacadnimo
89. Dadkuna wax ku dooran karo
90. Ayey dadku doonayaan
91. Dorraato halkay ahayd
92. Inaad ka dandaamisoo
93. U duubato bay rabaan
94. Dib dhacu waa daranyahee
95. Inaad ka daleysa oo
96. Dedaasho ayay rabaan.
97. Dux ma leh faankuye ogow
98. Nin doorka dadka gartee
99. Inuu u dinnaahiyaa
100. Sidii dibi waa ku ceeb
101. Haddii aad dowladnimo
102. Dadweynuhu siman yihiin
103. Caddaaladdu door u tahay
104. Dareemaan idil bulshadu
105. Adoon darbiyaasha korin
106. Dan bay sacab kuugu tumi.
107. Haddaad sida doorkan tahay
108. Dawyada kale sii socdaan
109. Ceebaad dacallada ku shuban
110. Duni magacaanan hadhin
111. Duuflaal baa lagugu wici.
112. Dadweynihii baa ku yidhi
113. Digtoor horta daacadnimo
114. Ninkii diidaa dhib qaba
115. Dalkeeni badhbaa xaraash
116. Dunida laga iibiyee
117. Maxaadan u diidinoo
118. Difaac uga gelin midhkaas?.
119. Dadbaa lagu laayey Yeman
120. Duqaymaha reer carbeed
121. Dam dukumdaakum iyo
122. Daqiiq ay uga dhigeen
123. Maxaadan u diidinoo
124. Dareen uga muujineyn?
125. Digtoorku wuxuu ku yidhi:
126. Dad baa jira dowladnimo
127. Dareenkeed aan lahayn
128. Nimcada dacallada ka taal
129. Iney diidaan ka jecel!
130. Ninkii doodkeena iyo
131. Midkii naga diida sidan
132. Dab iyo halas baanu nahay
133. Digniin culus buu qabaa
134. Xabsi ku dambeynayaa
135. Dil iyo dacas baanu mudan
136. Midhkaas waa ka ma dambeys!

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Galayr1977@hotmail.com
galayr777@gmail.com
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip