XOG:-Sidee ayuu u dhacay dilka Wariye Jamaal Khashoggi

0
Saturday October 20, 2018 - 09:57:28 in Wararka by
  • Visits: 1414
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    XOG:-Sidee ayuu u dhacay dilka Wariye Jamaal Khashoggi

    Warbaahinta dowladda Sucuudiga waxay sheegtay in weriye Jamaal Khashgooji uu geeriyooday kaddib markii uu ku dhintay dagaal ka dhacay qunsuliyadda gudaheeda xilli uu halkaasi joogay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warbaahinta dowladda Sucuudiga waxay sheegtay in weriye Jamaal Khashgooji uu geeriyooday kaddib markii uu ku dhintay dagaal ka dhacay qunsuliyadda gudaheeda xilli uu halkaasi joogay.

Wararka waxay sidoo kale sheegayaan inuu Jamaal ku dhintay dagaal qunsuliyadda gudaheeda ku dhexmaray isaga iyo dad joogay qunsuliyadda Sucuudiga ee Istanbul.

Xukuumadda Sucuudiga waxay shaqada ka ceeyrisay ku-xigeenka sirddoonka Axmed Al-Caasiri iyo la taliyaha arrimaha sharciga boqortooyada Sacuud Al Qaxdhaani kuwaaso iska foggeeyay inay wax ka ogaayeen dilka weriyaha.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump wuxuu sheegay in waxa dhacay aanan la aqbali doonin balse Sucuudiga uu yahay saaxib dhaw.
Madaxwayne Trump ayaa sidoo kale ku tilmaamay tallaabo muhim ah oo loo qaaday xarigga shaqsiyaadka,wuxuu Sucuudiga ku ammaanay tallaabada degdeg ah ay qaadeen.

Wuxuu intaasi ku daray madaxwayne Trump 'inkastoo cunaqabatayn ay tahay tallaabo Mareykanka u furan balse tallaabooyiin noocaas ah ay aad u dhaawacaysaa dhaqaalaha Mareykanka'.

Mareykanka ayaa horey u sheegay in haddii la xaqiijiyo in Sacuudiga ay ku lug leeyihiin dilka saxafigan ay cawaaqib xun kala kulmi doonaan.
Waa markii ugu horreysay uu Sucuudiga ku qirto inuu ka dambeeyay dilka weriye Jamaal Kashgooji.

Waxaa lagu soo warramaya in boqor Salmaan uu amar ku bixiyay inay la sameeyo guddi wasaaradeed oo u hoggaaminayo dhaxal sugaha Maxamed Bin Salmaan, si dib u habayn loogu sameeyo hay'adda sirddoonka qaranka.

Warkan lagu daabacay wakaalada wararka ee Sacuudiga ayaa ka dambeeyay wax yar uun ka dib markii uu boqor Salmaan uu khadka taleefonka kula hadlay madaxwaynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo ay arrintan ka wada hadleen.

Waxaa lagu soo warramaya in macluumaad sirddoon ah ay soo gudbiyeen Turkiga uu Sucuudiga ka caawiyay baaritaanada.

Jamaal Kashgooji waxaa dad ugu war dambeysay labadii bishan xilli uu waraaqo kasoo qaadanayay qunsuliyadda Sucuudiga uu ku leeyahay magaalada Istanbul.

Mar sii horreysay, booliska Turkiga waxay baaritanno xooggan ka wadeen gudaha qunsuliyadda, saraakiil aanan magacooda la shaacinin ayaa sheegay in maydka weriyaha lagu tuuray kayn halkaasi ku taalla.



Source:-BBC Somali


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip