Sawirro:-Kulan Casho Sharafeed ah oo loo sameeyay Wafuudii ka socotay dalalka Ururka Iskaashiga Islaamka

0
Sunday October 28, 2018 - 10:00:42 in Wararka by Warsheekh Muqdisho
  • Visits: 1138
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro:-Kulan Casho Sharafeed ah oo loo sameeyay Wafuudii ka socotay dalalka Ururka Iskaashiga Islaamka

    Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa sheegay in Magaalada Muqdisho lagu qabto Shirka Kooxda Xariirka Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka ay ka tarjumeyso horumarka dhinacyada kala

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa sheegay in Magaalada Muqdisho lagu qabto Shirka Kooxda Xariirka Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka ay ka tarjumeyso horumarka dhinacyada kala duwan ee Caasimaddu ku tallaabsatay muddooyinkii la soo dhaafay.

Guddoomiye Eng. Yarisow oo Casho sharafeed u sameeyey madaxdii ka socotay dalalka Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa ku soo dhaweeyey Caasimadda dalka, isagoo warbixin ka siiyey taariikhdii kala duwanaa ee Caasimaddu ay soo martay, isla-markaana xusay in waqtigan la joogo dib-u-soo kabasho dhinac walba ah ay ka jirto Magaalada Muqdisho.

"Muqdisho waxay astaan hiigsi u ahaan jirtay Caasimadaha Afrika, waqtigan oo dalkeennu ka soo kabanayo burburkii soo gaaray, waxay Caasimaddu sameynaysaa horumaro kala duwan oo dhammaantiin aad markhaati ka tihiin, kaasoo inoo suuragaliyey shirkan iyo shirarkii horey loogu qabtay”.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa ku dheeraaday ahmiyadda uu shirkan u leeyahay dalka, waxuna uga mahadceliyey ka qeyb-galkooda wafuudii ka socotay dalalka xubnaha ka ah ururka.

Munaasabadda Cashada ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,Xildhibaano, Xogahayaha Maamulka Gobolka Banaadir Guddoomiye ku-xigeenka maamulka Marwo Basmo Caamir Axmed, qaar kamid ah Guddoomiyeyaasha degmooyinka, Diblumaasiyiin, Siyaasiyiin iyo marti-sharaf kale.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip