War kasoo baxay dagaalamayaasha Ururka Al-shabaab ayaa waxaa looga hadlay duqeymo xoogan oo habeen ka hor ka dhacay deegaanka Kabsuuma ee Gobolka Jubbada Hoose,taasi oo la shaacin cida fulisay.
Warka kasoo baxay Al-shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in wax duqeyn ah aysan ka dhicin deegaanka Kabsuuma ee Gobolka Jubbada Hoose oo ay shabaab ay ku leeyihiin Saldhigyo,isla markaana aan lala eegan Duqeyntaasi.
"War ku saabsanaa in duqeyn dad lagu dilay ay ka dhacday degmada Kabsuuma ee Jubbada Hoose oo ay faafisay warbaahinta Afka dowladda ku hadasha ayaa ah mid aasn sal laheyn, majirin wax duqeyn ah oo ka dhacday deegaanka Kabsuuma oo dadkeedu ay ku naaloonayaan ammaan iyo kala dambeyn”, ayaa lagu yiri qoralka kasoo baxay Ururka Al-shabaab.
Warbaahinta dowlada Soomaaliya iyo kuwo kale oo Caalami ah ayaa waxa ay baahiyeen in habeen ka hor duqeyn xoogan ka dhacday deegaanka Kabsuuma ee Gobolka Jubbada Hoose,isla markaana lagu dilay Xubin sare oo ka tirsan dagaalamayaasha Ururka Al-shabaab.
Al-shabaab oo si layaab leh uga hadashay duqeyn ka dhacday Gobolka Jubbada Hoose
War kasoo baxay dagaalamayaasha Ururka Al-shabaab ayaa waxaa looga hadlay duqeymo xoogan oo habeen ka hor ka dhacay deegaanka Kabsuuma ee Gobolka Jubbada Hoose,taasi oo la shaacin cida fulisay.