Kulan Albaabada u xiran yihiin oo ka socda M/Gaalkacyo & Nicholas Haysom oo goobjoog ah + Sawirro

0
Monday November 05, 2018 - 13:37:01 in Wararka by Warsheekh Muqdisho
  • Visits: 1049
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kulan Albaabada u xiran yihiin oo ka socda M/Gaalkacyo & Nicholas Haysom oo goobjoog ah + Sawirro

    Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Nicholas Haysom iyo Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya, Danjire Francisco Caetano Madeira iyo xubno kale ayaa Maanta gaaray Magaalada Gaalkacyo ee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Nicholas Haysom iyo Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya, Danjire Francisco Caetano Madeira iyo xubno kale ayaa Maanta gaaray Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug,iyadoo halkaasi si weyn loogu soo dhaweeyay.

Wafdigan ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Galmudug,Madaxa Xukuumadda Galmudug,Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan maamulka Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Magaaladaasi.

Xarunta Madaxtooyada Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa hadda ka socda kulan albaabada ay u xiran yihiin,kaasi oo u dhaxeeya wafdiga uu hogaaminayo Nicholas Haysom iyo Madaxda Maamul Galmudug.

Kulanka ayaa dhinaca maamulka Galmudug waxaa goobjoog ah Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle iyo Madaxa Xukuumada Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo Mas'uuliyiin kale.

Inta kulanka uu socdo ayaa waxaay uga hadli doonaan labada dhinaca xaalada siyaasadeed ee Galmudug sida loo xalin lahaa iyo qaabki la isku soo dhaweyn lahaa Galmudug iyo Dowlada dhaxe ee Soomaaliya oo hadda khilaaf xoogaan uu u dhaxeeyo.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip