Al-shabaab oo Go'doomiyay Degmo ka tirsan Gobolka Gedo

0
Saturday November 17, 2018 - 07:36:13 in Wararka by Warsheekh Muqdisho
  • Visits: 1233
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-shabaab oo Go'doomiyay Degmo ka tirsan Gobolka Gedo

    Wararka saakay an ka heleyno Degmada Balad-Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay Go'doomiyeen Ururka Al-shabaab,kadib markii horey ay uga hanjabeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka saakay an ka heleyno Degmada Balad-Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay Go'doomiyeen Ururka Al-shabaab,kadib markii horey ay uga hanjabeen.

Dagaalyahano badan oo ka tirsan Al-shabaab ayaa waxa la sheegay in ay ku sugan yihiin deegaano dhowr oo ka tirsan Degmada Balad-Xaawo,iyadoo Go’doon geliyay dhaqdhaqaaqdayii degmadaaasi geli jiray iyo kuwa kabixi jiray.

Dhawaan ayey ayheyd markii Maamulka Degmada Balad-Xaawo ee Gobolka Gedo uu Xaasaska Al-Shabaab iyo caruurtooda ku amray in ay isaga baxaan degmadaas,balse arrintaasi ayaa waxa ay dhibaato ku noqotay shacabka ku nool degmadaas.

Sidoo kale war kasoo baxay Al-shabaab ayaa waxa ay ku sheegeen in hadii maamulka Balad-Xaawo uu ka laaban waayo amarkaas Degmada ay Go’doomin doonaan,isla markaana ugu dambeyn ay saareen.

Dhinaca kale warar hoose oo aan heleyno ayaa sheegaya in Maleeshiyo hubeysan oo degan Degmada Balad-Xaawo ay wadaa abaabul dagaal oo ay uga hortagayan Go’doonka Al-shabaab ay geliyeenka Degmada.

Dadka deegaanka ayaa inoo sheegay saakay in gudaha Balad-Xaawo uusan ka jirin wax ganacsi ah,isla markaana suuqayada ay yihiin kuwo xiran,sidoo kalena uusan jirin gaadiid soo galaya iyo kuwo kabaxaya Degmada Balad-Xaawo ee Gobolka Gedo.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip