DEG DEG:-Shaqaale ka tirsan Shirkadda Hormuud oo goordhow la Dilay

0
Wednesday November 21, 2018 - 14:05:20 in Wararka by Warsheekh Muqdisho
  • Visits: 1434
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG DEG:-Shaqaale ka tirsan Shirkadda Hormuud oo goordhow la Dilay

    Kooxo hubeysan ayaa goordhow Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho waxa ay ku dileen laba ruux oo ka tirsanaa Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxo hubeysan ayaa goordhow Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho waxa ay ku dileen laba ruux oo ka tirsanaa Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud.

Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in dilka uu ka dhacay agagaarka isgoyska Bakaaraha,waxaana lagu fuliyay Shaqaalle ka tirsan Shirkadda Hormuud.

Labada ruux ee la dilay ayaa waxaa la sheegay in ay kusii jeedeen Xarunta Shirkadda Hormuud ay ku leedahay Suuqa Bakaaraha,iyadoo ragii ka dambeeyay dilkan goobta durbo ay ka baxsadeen.

Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay,iyagoo halkaasi ka sameeyay baaritaano la xiriira sida uu falka u dhacay.

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa waxaa maalmahan kusoo batay dilalka qorsheysan ee loo geysanayo shaqaalaha ka tirsan Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud.

Ilaa iyo hada ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyada dilkan ka dhacay Suuqa Bakaaraha.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip