Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-17aad, By: Aweis Xuseen Shiino!

0
Friday May 22, 2009 - 11:24:12 in Dhaawac aan bogsaneyn by Xarunta Dhexe
  • Visits: 4601
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-17aad, By: Aweis Xuseen Shiino!

    Runtii qoraalkaas waxaan ka quud adrreynayey in Ruuni aqrisato oo ay markaas wax ilaqabato,laaakiin wax isbeddel ah kamaarag xitaa ma ogaan in ay Ruuni farriimahaas iyo qoraalladaas aqrisatey Ruuni, waxaanse anigu u qaatey ineysan marna Ruuni u gudbi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Runtii qoraalkaas waxaan ka quud adrreynayey in Ruuni aqrisato oo ay markaas wax ilaqabato,laaakiin wax isbeddel ah kamaarag xitaa ma ogaan in ay Ruuni farriimahaas iyo qoraalladaas aqrisatey Ruuni, waxaanse anigu u qaatey ineysan marna Ruuni u gudbin doonin wax fikrad ah maadaama ay og tahay inaan anigu wax ku qorin wargeysyadaas.

Iga raalli noqo waan kugu dheereeyay qoraalkan ilaa iyo haddana inta ayaan ku simayaa anigoo kuu ballan qaadaya hadii EEBBE idmo inaan waraaqaheyga dambe sheekada Ruuni kaaga sii ambo qaadi doona .
Nooli Kulante
Qore Mukhtaar.

Warqadda Mukhtaar isla habeenkiiba waxaan ku xiray feylkii, saaxibkey Axmedna sidii caadada u aheyd markii ay soo gaarto waraaq ka mid ah waraaqaha Mukhtaar ma uusan seexan habeenkaas... wuxuu horta dhigtay feylkii, dhowr jeer ayuuna aqriyay warqaddii... ciil ayaana dhuunta la kala go'dey kaas oo uu u qabey Ruuni, aniga agtiisa ayaan fariistay wax hadal ahna kuma oran ilaa dhowr daqiiqo , cabbaar markaan sidaas kala aheyn ayaan kuiri: aad yaan uga xumahay inaad sidaan noqotoAxmadow. nin rag aha ayaa ILAAH kaa dhigay ee u adkeyso, waxyaalaha iska fufud oo arrimahaan oo kale ah, bal ka warran haddii Mukhtaar oran lahaa Ruuni waan qabaa uuna kuu soo diri lahaa warqaddii caddeyneysay inuu qabo Ruuni, sideed noqon laheyd? waxba waxbaa ka darane Mukhtaar wuxuu kuu soo sheegay oo kaliyainuu hore xiriir u dhax maray isga iyo Ruuniayna keddib isa seegeen.

Saaxibkey wuxuu yiri: waan ogahay in sheeko dhacdey oo kaliya la ii sheegayo, balse waxaan ka careysanahay oo kaliya in aaney Ruuni ii sheegin, wey jirtaa in Mukhtaar sida uu sheegayo ay Ruuni Yididdiiladiisa aheyd , laakiin sow aniga la ii arki maayo nin wax ku ciyaarey oo dad isjeclaa kala geeyay.

Waxaan ku iri: sidaas adiga ha u fikirin, Mukhtaarkii Ruuni jeclaa ayaanba wax eedeeyn ah kuu qabin oo iyada u careysan, adigana wax cuqdo ah kuu qabin , bal is eeg adiga sida aad noqotay, garkaagii waad illowdey , timihiina iskama jarin, nadaafaddaadii sidii hore ma aha, warqaddii Ruuni kuu soo dirtay oo ugu dambeysay ugama aad jawaabin, iyadoo dhanba waad illowdey .

Saaxibkey iyadoo ay caradiisa sii korordhay ayuu yiri: Xusuuusashadeeda ayaa dhib igu ah oo markaan soo xusuustaba caro ayaa ii kororto .

Anigoo ka yaabban Saaxibkey sida uu noqdey ayaa iri: adiga sida iiga kaa muuqata haddii aad ku sii socoto xaalladaada meel xun ayey gaari doontaa , aniga waxaan kuugula talinayaa inaad i maqasho ayaa wanaagsan , arrintaan haka welwelin ilaa ay ka soo dhamaato sheekadeeda, inta ka horreysana sidii caadiga aheyd iska ahow , garkaan iyo timahaanna iska soo xiir oo iska nadiifi sidey kaa noqotay? nin dhan oo Injineer ah oo mas'uul ah ayaad tahay , qofkii ku yiqiin hadduu ku arko haatan waa kaa naxayaa , haddii aadan is beddelinna aniga Mukhtaar qudhiisa ayaan la hadlayaa oo aan ka codsanayaa inuu joojiyo qoraalka uu kuu soo dirayo, codsigeynii horena inaan ka noqonay ayaan u sheegayaa, si aad uga nasato arrintaan ku welwelineysa habeen iyo maalin.

La socoqeybaha dambe

Aweis Xuseen Shiino Muqdisho - Somalia

Aqri Qeybihi Hore ee Sheekada
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-16aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-15aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-14aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-13aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-12aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-11aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-10aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-9aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-8aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-7aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-6aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-5aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-4aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-3aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-2aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-1aad,

NB: Qoraalkaan Xaquuqdiisa Waxaa leh Qoraaga Ku Saxiixan. & Maamulka Shabakada Warsheekh , Fadlan Mala Daabacan Karo, Waji Kalena Looma Ragi Karo, Ee Kala Xiriir Wixi kusaabsan Sheekadaan E-Mailka:Webmaster@warsheekh.com, Sheeko@warsheekh.com


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip