GULUFKA GALMUDUG!!!!!

0
Saturday February 29, 2020 - 00:19:32 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 2980
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    GULUFKA GALMUDUG!!!!!

    Waxaa in badan marag laga wada ahaa abqaalkii xumaa iyo waddadii gurracnayd ee loo maray hannaanka Galmudug in laga dhaxlayo Guluf iyo colaad.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa in badan marag laga wada ahaa abqaalkii xumaa iyo waddadii gurracnayd ee loo maray hannaanka Galmudug in laga dhaxlayo Guluf iyo colaad.


Maanka fayoow ee fayo qabaa waa uu kala saaraa qallooca iyo qumanaanta, dhibka iyo dheefka, dhagarta iyo dhabta, haddaba dadkii shalay u rixinayey ee lahaa RW Khayre ayaa beeray geed wanaagsan oo nabadeed, RW Khayre ayaa maskax iyo muruq geliyey Galmudug dhismaheeda, waa kaas midhihii laga gurtay dhiigga iyo geerida noqday geedkii QOORQOOR ee uu beeray Khayre.

Ilama aha in ay dhacayso maanta in meelna lagu qabsado awood iyo qori caaradiis, waxa laga dhaxli karo iyo midhaha laga guranayaana waa guluf, colaad iyo dhiig daata.

Haddaba Qoorqoor ma waxaa uu rabaa 2020 inuu awood ciidan ku maamullo deegaanka Galmudug, awoodaas oo inta ay sii jireysaa ay tahay bilaha u dhiman hoggaanka dalka iyo doorashada.

Waxaa ila quman in dadka waxgaradka ah u garaad celiyaan kolay inuu garanayo ilama aha isaga iyo kooxda soo dirsatay, dagaalka Galmudug waxaa looga baahan yahay goobta uu ku wanaagsanaa ee ah kooxaha Alshabaab ee maaha Dhuusamareeb iyo Guriceel oo 30kii gu ee colaadu jirtay nabad lagu noolaa.

Shimbiri maalin bay dabqaaday maalintiina buulkeedii bay gubtay.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip