Afhayeen ururka Al-Shabaab Cali Maxamuud Raage ayaa shir jaraa’id oo shalay gelinkii dambe ku qabtay degaanka Ceelasha Biyaha waxa uu sheegay in Dowladda Kenya ay bari doonaan cawaaqibta uu leeyahay dagaalka ay iclaamiyeen, wuxuuna ku hanjabay inay Dowladda Kenya ku qaadayaan weeraro ay ku burburinayaan daaraha dhaadheer ee magaalada Nairobi.
“Haddii aynu nahay xarakatu Shabaab diyaar ayaan u nahay gulufka colaadeed oo Dowladda Kenya iclaamisay inay nagu soo qaadeyso” ayuu yiri afhayeenka ururka Al-Shabaab oo beeniyay inay iyagu ka dambeeyaan afduubka shaqaalaha hay’ado samafal oo laga soo qafaashay gudaha dalka Kenya.
Dhinaca kale afhayeenka xarakada Shabaab ayaa sheegay in dadka wadanka Kenya looga baahan yahay sidii ay madaxdooda uga celin lahaayeen weerarada ay ku qaadayaan ururka Al-Shabaab, haddii kale waxa uu sheegay in shacabkaasi muteysanayaan cawaaqib fool xun oo uu sheegay inay ka shalleyn doonaan.
Cali Dhere 'Gulufka Colaaded Ay Iclaamisay Kenya Diyar ayaan u Nahay
Afhayeen ururka Al-Shabaab Cali Maxamuud Raage ayaa shir jaraa’id oo shalay gelinkii dambe ku qabtay degaanka Ceelasha Biyaha waxa uu sheegay in Dowladda Kenya ay bari doonaan cawaaqibta uu leeyahay dagaalka ay iclaamiyeen, wuxuuna ku hanjabay