Gulufka Al Shabaab ee ku dhisan Gorgortan la'aanta siyaasadeed halkee ku soo gaba gaboobi doontaa?

0
Tuesday September 07, 2010 - 18:08:24 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1005
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gulufka Al Shabaab ee ku dhisan Gorgortan la'aanta siyaasadeed halkee ku soo gaba gaboobi doontaa?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

 Ururka Al shabaab oo ay awoodiisa soo shaac baxay kadib burburkii Maxkamadaha islaamiga ayaa la oran karaa waa xooga ugu muhiimsan ee ka soo hor jeeda dowlada Federalka,waxaana gacanta ugu jira inta badan koofurta Soomaaliya ( 8 Gobol iyo magaalada Mudisho marka afar loo qeybiyo sedex meelood).
 
AL Shabaab oo ay hogaanka u hayaan shaqsiyaad ajaaniib ah oo ka tirsan Al qaacida ayaa gabi ahaanba burburiyay awoodii ay beelaha Habargidir iyo Mudulood ay ku lahayeen magaalada Muqdisho taa badalkeedana waxaa xooga ugu muhiimsan u noqday dhalinyaro ka soo jeeda beelihii yaryaraa ee  hore dulmiga loogu hayay ,hase yeeshee Al shabaab weli waxba kama qaban guryaha iyo beeraha xooga weli lagu heysto min Muqdisho illaa Jubada Hoose sidoo kale meelo badan oo ay ka taliyaan waxaa si cad  loogu iibiyaa looguna Cunaa Jaadka taa oo loo qaadan karo in ay wataan afkaar ah la jiifiyaana banaan la joojiyaana banaan.
 
Aqoon yahanao badan ayaa is weydiinaya sababta ay al shabaab qabuuraha culimada Suufiyada u burburiyeen ugana saareen lafihii culumada taariikhda  ku lahaa barashada iyo fidinta diinta Islaamka,waxaase arintaasi loo micneyn karaa ciribtir lagu sameynayo xadaarada dariiqooyinka Suufiyada oo magac iyo heybadba ku leh bulshada Soomaaliyeed in kastoo ay jiraan meelo ay iyagana ku qaldan yihiin oo u baahan sixid .
 
Ururka Al shabaab ee iminka awood weyn ku dhex leh kooxda sida aadka xagjirka u ah ee Takfiir oo cidii aan iyaga ka tirsaneyn u arka in ay Gaalo yihiin,kooxdan oo sanadihii ugu danbeeyay isku aruursanayay magaalada Baraawe ee gobolka Sh/hoose ayaa dhaqaale aad u xoogan ka helay dhoofinta dhuxusha waxaana ay heleen cudud ciidan iyo hub u suuro galiyay in ay si toos ah ugu xirmaan saraakiisha ajnabiga ah ee hogaanka u heysa ururka Al shabaab.
 
Al shabaab oo u badan dhalinyaro da'yar oo madaxa looga shubay in ay janada  ka xigto oo kaliya  dhimasho  taas oo keentay in ay u tartamaan safafka hore ee dagaalka iyo weliba is qarxinta naf hurnimo. al shabaab waxaa ka go'an in ay awooda ka tuuraan dowlada Federalka dalka Soomaaliyana ka dhisaan dowlad islaami ah oo hoos tagta ururka Al qaacida oo ay xiriir toos ah leeyihiin isla markaana awoodooda ku sii baahiyaan wadamada geeska Africa,sidaasi darteed marnaba loogama fadhiyo in ay wax gorgortan ah galaan.
 
Xiligan la joogo Al shabaab waxey lumiyeen taageero weyn oo ay shacabka qaar u hayeen xiligii ay dagaalada kula jireen ciidamadi Ethiopia waxaana marba marka ka danbeeysa kor u sii kacaya dhibaatooyinka iyo cadaadiska ay ku hayaan shacabka ku nool goobaha ay ka taliyaan hadii ay xaaladu sidaasi ku sii socotana waxa ay waayi doonaan cid taageerta waxaana  la gudboon in ay dib u fiirsasho sameeyaan maadaama aysan weli gaarin heerkii Maxkamadaha Islaamiga ee 2006-dii in kastoo hamigoodu yahay   in ay gacanta ku dhigaan dhowrka KM ee isku wareega ah ee ay ka taliso dowlada KMG Soomaaliya,waxaana mar waliba ka go'aan in ay gaaraan hadafkooda kama dambeysta ah iyagoo aanan marnaba qiimeeyn ku sameeyn maxsuulka ka soo bixi kara dagaalada ay ku jiraan

Qaraxyadii 11 -kii july 2010 loo geystay magaalada Kampala ee dalka Uganda iyo sheegashadii kooxda AL SHABAAB ayaa mar kaliya wax weyn soo kordhisay, waxayna AMERIKAANKA iyo xulufadiisuba kusoo baraarugeen in dhibaatada AL SHABAAB ay guryahooda ugu imaan doonto sidaa darteed loo baahan tahay in laga hortago, shirkii midowga Afrika ee 25 -27 july ka dhacay magaalada Kampala ee go 'aakiisa ugu muhiimsan uu ahaa in si deg deg ah wax looga qabto kooxda al shabaab ayaa mira dhalkiisa laga  war sugi doonaa. 
 
 
Marka indho aqooneed lagu fiiriyo waxa ka dhacaya Soomaaliya culeyska Xad dhaafka ah iyo masiibada Rabaaniga ah ee ku dul habsaday Shacabka Soomaaliyeed, beenta daneysiga ku dhisan, ismuujinta afka baarkiisa ah,arxandarida iyo u damqasho la’aanta   shacabka ee dowlada,Al shabaab,Xisbul islaam Qabiilada (Ahlu Sunna Wal Jameeca) iyo weliba dhabar u jeedinta dalalka  Caalamka waxaa kuu soo ifbaxeysa in NUS QARNI XORNIMO KADIB MUUQAALKA DHABTA EE XAALADA SIYAASADEED EE SOOMAALIYA UU YAHAY SHACABKA DULMAN EE SOOMAALIYEED CEELNA UMA QODNA CIDINA UMA MAQNA. 
 
Qalinkii Qoraa sare.
 Muse Mohamed Osman
muusekiimiko@gmail.com
muusekiimiko99@hotmail.com

 

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip