Cabdiraxman Cabdishakuur oo farta ku goday Maamulada Galmudug iyo Hirshabeele

0
Sunday April 18, 2021 - 15:32:36 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 631
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cabdiraxman Cabdishakuur oo farta ku goday Maamulada Galmudug iyo Hirshabeele

    Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ka tirsan Midowga Musharaxiinta ayaa ka hor-yimid kulanka uu dalbaday Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo, isagoo caddeeyay in aanay jirin cid xiiso u qabto.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ka tirsan Midowga Musharaxiinta ayaa ka hor-yimid kulanka uu dalbaday Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo, isagoo caddeeyay in aanay jirin cid xiiso u qabto.

C/raxmaan C/shakuur ayaa xalay isaga baxay kulan Musharaxiinta la yeesheen Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabelle oo farriin ka waday Madaxweyne Farmaajo oo ahaa inuu la kulmo Musharaxiinta.

"Farmaajo isagaa irdaha u soo xiray wada hadaladii doorashooyinka, ka dibna hoggaamiye kooxeed noqday, Ma jirto cid xiisa u qabta la kulankiisa”ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.

C/raxmaan C/shakuur ayaa sheegay Dowlad Goboleedyada qaarkood sida Puntland iyo Jubbaland ay la tashadeen bulshada rayidka iyo waxgaradka, ayna gaareen go’aan ay ku diideen muddo kororsiga.

Hase ahaatee waxaa uu is weydiiyay cida ay la tashadeen dowlad goboleedyada kale ee Hirshabelle, Galmudug iyo Koofur Galbeed markii ay taageereen muddo kororsiga Farmaajo.



Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip