Hirshabeele oo Digniin culus udirtay Hay'adaha ka howlgala Baladweyne

0
Saturday April 24, 2021 - 13:43:10 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 946
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hirshabeele oo Digniin culus udirtay Hay'adaha ka howlgala Baladweyne

    Maamulka Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa Digniin u diray Hay'addaha Samafalka ah ee ka howlgala gudaha Magaaladaas iyo deegaano hoostega.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa Digniin u diray Hay'addaha Samafalka ah ee ka howlgala gudaha Magaaladaas iyo deegaano hoostega.

Guddoomiyaha Baladweyne Cismaan Dhicisow Dhuubow oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay inay jiraan Hay’addo ka shaqeeya Arrimaha Samafalka oo ka howlgala Baladweyne, kuwaasi oo aan iska diiwaan-gelin xafiiska Maamulka Magaalada.

Waxaa uu Guddoomiye Dhicisow ku Eedeeyay Hay’addaha Samafalka inay Magaalada iska yimaadan oo dad gaar ah ay Gargaar ku siiyaan geed hoostiis, iyaga wax siinta qoysaska dantayar kala tashanaya dad aan Maamulka ka tirsaneyn.

Sidoo kale Dhuubow ayaa sheegay in Baladweyne ay ku sugan yihiin qoysas danyar ah oo dhibaato heysato oo ku jiraan dad kasoo barakacay deegaano ay ku sugan yihiin Al-shabaab, isla markaana u baahan in la Caawiyo, ayna ogyihiin halka ay degan yihiin.

Ugu dambeyn Guddoomiye Dhicisow ayaa Hay’addaha Samafalka faray inay iska soo diiwaan-geliyaan Xafiiska Maamulka Baladweyne, si loola socdo shaqada ay Bulshada u qabanayaan, wuxuuna xusay in cidii diida ay tallaabo ka qaadi doonaan.


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip