Dowlada Kenya oo soo saartay war aad loola yaabay

0
Saturday May 01, 2021 - 13:33:43 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 665
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowlada Kenya oo soo saartay war aad loola yaabay

    Dowlada Kenya ayaa qorshaynaysa in ay mamnuucdo in xiriir jacayl iyo mid guur ah dhex maro ragga iyo dumarka ka tirsan ciidamada booliska ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowlada Kenya ayaa qorshaynaysa in ay mamnuucdo in xiriir jacayl iyo mid guur ah dhex maro ragga iyo dumarka ka tirsan ciidamada booliska ah.


 
Tallaabadan ayaa looga gol leeyahay in lagu yareeyo xadiga falal dambiyeedyada ka dhasha xiriirka caashaq ee askarta booliska dhexdooda.

 
Wasiirka arimaha gudaha, Fred Matiangi’, oo ka hadlayey xaflad telefishanka laga baahiyey oo ka dhacday kulliyada tababarka booliska ayaa ka sheegay warkan ay dadku ula yaabeen.

Wasiirku wuxuu intaa ku daray in marka hore amarkan loo gudbin doono golaha nabad gelyada qaranka Kenya ee kor joogteeya ciidamada nabad gelyadu si uu u ansixiyo.

Waxaanu isaga oo hadalkiisa sii wata sheegay in dhanka milatariga xiriirka noocan ah hore looga mamnuucay in ay is guursadaan askarta kala darajada sareeyaa.

"Indhaha kama daawan karno hadda wixii ka dambeeya dhibaatooyinka ka dhex jira ciidanka nabadgelyada” ayuu yidhi Matiangi’i.

Xafiiska arrimaha xiriirka askarta ayaa isna aad u daba geli doona dhacdooyinka faroxumaynta ah ee ay ka soo dacwoodaan askarta haweenka ahi.

"Hadda ka dib, waxay noqon doontaa sharci darro in askari boolis ahi la haasaawo haweenay askariyad ah ama guursado. Hadii ay arintaasi dhacdo na waxa qasab noqonaysa in midkood shaqada ka ruqsaysto” ayuu yiri wasiirka arimaha gudaha oo uu soo xigtay wargeyska The Star.

Dalka Kenya ayaa waxaa sanadihii la soo dhaafay kordhayay tirada askarta ee xaasaska ah oo muran awgii is dilaya.


 
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip