RW, Rooble oo xusul duub ugu jiro soo celinta xiriirkii Sacuudi Carabiya

0
Tuesday June 08, 2021 - 21:47:43 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 676
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    RW, Rooble oo xusul duub ugu jiro soo celinta xiriirkii Sacuudi Carabiya

    Wafdigan ka socday wasaaradda arrimaha Dibadda Boqortooyada Sacuudiga ee maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa la kulmay wasiiru dowlaha Xafiiska Raysal wasaaraha Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wafdigan ka socday wasaaradda arrimaha Dibadda Boqortooyada Sacuudiga ee maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa la kulmay wasiiru dowlaha Xafiiska Raysal wasaaraha Soomaaliya.

Wasiiru dowlaha Xafiiska Raysal wasaare Rooble Cabdixakiin Xasan Ashkir ayaa kusoo dhaweeyay magaalada Muqdisho wafdiga ka socday wasaaradda arrimaha dibadda Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Wasiiru dowlaha Xafiiska Raysal wasaaraha Soomaaliya iyo Wafdiga Sacuudiga ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga wanaagsan ee ka dhaxeeya labada dowladood ee Soomaaliya iyo Sacuudiga.

Kulanka ayaa intuu socday waxaa diirada lagu saaray sidii dib loogu furi lahaa Safaarada dowladda Fedaraalka Soomaaliya aay ku leedahay wadanka Sacuudi Carabiya, waxaana la sheegay in la isku afgartay dib u furista Xarunta Safaaradda Soomaaliya oo mudooyinkii dambe xirneed.

Wafdiga Boqortooyada Sacuudiga ayaa uga mahadceliyay wasiiru dowlaha Xafiiska Raysal wasaare Soomaaliya soo dhaweynta wanaagsan ee uu u sameeyay, iyagoona balan qaaday iney sii kordhin doonaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya.


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip