Qaraxi Muqdisho oo warar dheeraad ah kasoo baxeen

0
Thursday November 25, 2021 - 20:12:44 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 566
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaraxi Muqdisho oo warar dheeraad ah kasoo baxeen

    Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ka hadlay qarax saaka ka dhacay degmada Hodon ee magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ka hadlay qarax saaka ka dhacay degmada Hodon ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdi Fitaax Aadan Xasan ayaa sheegay in qaraxan ay ku dhinteen siddeed ruux halka 17 kalana ay ku dhaawacmeen.

Sidoo kale afhayeenka ayaa sheegay in qaraxa lala damacsanaa gaadiid ka mid ah kuwa ilaaliya UN-ka oo goobta marayey.

Qaraxan ayaa waxaa uu ka dhashay gaari waxyaalaha qarxa laga soo buuxiyay iyadoo qaraxuna uu ka dhacay agagaarka Dugsiga Sare ee Banaadir oo ku dhow Madaxtooyadii hore ee Cabdi Qaasim ee dehmada Hodan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in waxyeelo ka soo gaartay qaar kamid ah ardayda iyo macalimiinta dugsiga Mucaasir oo ku yaal meel aan ka fogeyn halka uu qaraxu ka dhacay.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip