Taipei : Somaliland oo 'shidaalka ceegaaga' dhulkeeda ku casuuntay Taiwan

0
Wednesday February 09, 2022 - 23:39:26 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 626
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taipei : Somaliland oo 'shidaalka ceegaaga' dhulkeeda ku casuuntay Taiwan

    Mas'uuliyiinta Somaliland ee ku sugan Taiwan ayaa madaxda dalkaasi u sheegay in fursado waaweyn oo uu shidaalka ka mid yahay ay Somaliland ka jiraan, maamulkuna diyaar u yahay soo saarista iyo iibgeynta shidaalkaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mas'uuliyiinta Somaliland ee ku sugan Taiwan ayaa madaxda dalkaasi u sheegay in fursado waaweyn oo uu shidaalka ka mid yahay ay Somaliland ka jiraan, maamulkuna diyaar u yahay soo saarista iyo iibgeynta shidaalkaasi.

Wadahadalada Teipei ka socda waxa ay welwel badan ku hayaan dowladda Shiinaha oo oo jawaab kulul kasoo saartay weftiga halkaas tagay iyo waxyaabaha laga wada hadlayo.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha Zhao Lijian,ayaa sheegay in dunida laga aqoonsan yahay hal dal oo la yirahdo Shiinaha, Taiwan-na ay tahay qayb aan laga maarmi karin oo ka tirsan Shiinaha, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP.

Zhao Lijian waxa uu sheegay in Taiwan ay "isku dayday in ay raadiso gooni-u-goosad balse ay sidoo kale hurinayso olol si ay u wiiqdo madaxbannaanida iyo midnimada dalalka kale"

Haseyeeshee Somaliland oo dhegaha ka fureysatay dhawaaqyada kasoo yeeraya Shiinaha iyo dowladda federaalka Soomaaliya ayaa wasiirka arrimaha dibedda waxa uu soo bandhigay fursadaha maal-gashi ee ay dowladda Taiwan ka sameyn karto Somaliland.

"Somaliland waxay leedahay fursado maal-gashi weyn oo lagu samayn karo kaydka shidaalka iyo gaaska aan weli laga faa'iidaysan," wasiirka arrimaha dibadda ayaa la hadlayay madaxweynaha Taiwan Tsai Ing-wen, sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters

Wasiirka arrimaha dibadda ee Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Sooamaliland Ciise Kayd Maxamuud ayaa intaasi ku daray in deegaanada Somaliland sidoo kale ay leedahay macdan laga faaideysan karo.

Sida Somaliland ay uga careysiineyso Shiinaha
Aqalka Cad oo ka hadlay xiriirka Taiwan iyo Somaliland
Dowladda Shiinaha oo ka hadashay iskaashigii ay kala saxiixdeen Taiwan iyo Somaliland
"Dhinaca macdanta Somaliland waxa ay leedahay fursado maalgashi aad u weyn oo ay ka mid yihiin kaydka, Saliidda iyo Gaaska iyo sidoo kale dhuxusha oo si fudud loo sahamin karo," ayuu yiri.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Ciise Kayd Maxamuud ayaa waxa uu maanta xiriirka Taiwan ku tilmaamay "xiriir gaar ah oo taariikhi ah oo u dhexeeya labada waddan ee dimuqraadiyadda Afrika iyo Aasiya" waa sida uu hadalka u dhigaye, balse ma jiro waddan dal ahaan u aqoonsan Somaliland.

"Booqashadan taariikhiga ah waxay astaan ​​muhiim ah u tahay xiriirka xooggan ee ka dhexeeya labadeena dal," ayuu yiri mar uu la kulmayay madaxweynaha Taiwan Tsai Ing-wen.

Wafdigan oo uu ka mid yahay wasiirka maaliyadda ayaa sidoo kale la kulmi doona madaxda shirkadda shidaalka ee CPC oo ay dowladdu leedahay, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda ee Taiwan.

Madaxwaynaha jasiiradda Taiwan Tsai Ing-wen ayaa dhankeeda sheegtay in Taiwan ay muhiimad gaar ah u leedahay Somaliland.

"Somaliland hadda waa goob muhiim ah oo ku taal Bariga Afrika oo ah mashruuca Taiwan ee Afrika," ayay tiri Mrs Tsai.

Taiwan ayaa xoogga saaraysay sanooyiinkii u dambeeyay xiriir dublamaasiyadeed oo ay la yeelato dalalka qaarada Afrika.

Afrika ka saaray diblumaasiyad ahaan Shiinaha sannadihii la soo dhaafay, iyadoo eSwatini oo kaliya ay hadda xiriir buuxa la leedahay jasiiradda.

Shiinaha ayaa cadaadis ku saaray dalalka in aysan la xiriirin Taiwan maadaama ay tahay qeyb ka mid ah dhul waynaha Shiinaha.

Taiwan ayaa roog cas u fidisay Somaliland oo ah saaxiib cusub oo ay isku mowqif yihiin oo ay ku yeelatay geeska Afrika.

Taiwan iyo Somaliland labaduba waa laba maamul oo aan la aqoonsaneyn. Sannadkii 2020-kii ayay ahayd markii ugu horeysay oo labada dhinac ay xiriir wada smaeeyaan.

Taiwan ayaa bishii August 2020, safaarad ka furatay Magaalada Hargeysa halka Somaliland ay 9-kii September ee isla sanadkaas ay magaalada Taipei ka furteen xafiis matalaad.

Somaliland ayaa ku dhawaaqday inay ka go'day Soomaaliya inteeda kale ka dib dagaalkii sokeeye ee 1991-dii. Balse tan iyo xilligaasi Somaliland ma aysan helin wax aqoonsi ah.

Haddaba, Maxay tahay Taiwan?
Jahwareer iyo khilaaf ayaa ka taagan waxay Taiwan tahay iyo weliba wixii loogu yeeri lahaa - dal mise gobolka k tirsan Shiinaha.

Taiwan waa Jaziirad leh wax walbo oo madaxbanaani ay ku heli karto, tan iyo sanadkii 1950kii, balse Shiinaha wuxuu u aqoonsanyahy gobol ka mid ah dhulkiisa oo gooni is taag doonaaya, waxaase lagu qasbayaa in ay ka mid tahay Shinaha xita hadii "xoog loo adeegsanaayo".

Shiinaha ayaa bilaabay inuu sheegto Taiwan in ay dhulkiisa qeyb ka tahay sannadkii 1949kii, wixii ka dambeyay dagaalkii sokeeye ee Shinaha.

Xilligaa waxay ahayd markii laga adkaaday dowladdii wadaniyiinta ee Shiinaha oo kadibna u qaxay Jaziradda waxaana awoodda la wareegtay xukumaddi Shuciyiinta ee uu hogaaminayay Mao Zedong.

BBC
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip