Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-19aad, By: Aweis Xuseen Shiino!

0
Friday June 12, 2009 - 13:32:52 in Dhaawac aan bogsaneyn by Xarunta Dhexe
  • Visits: 6927
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 2
  • 1 1
  • Share via Social Media

    Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-19aad, By: Aweis Xuseen Shiino!

    Aqristayaasha Sheekadaan Xiisaha Badan waxa kaga cudur daaraneenaa mudada labada isbuuc ee hakadka kuyimid sii socoshada sheekada inagoo rajeeneena wixi hada dhiman in uusan na galin baaqasho kale hadii eebe laga helo waana mahadsantihiin kuna soo dh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aqristayaasha Sheekadaan Xiisaha Badan waxa kaga cudur daaraneenaa mudada labada isbuuc ee hakadka kuyimid sii socoshada sheekada inagoo rajeeneena wixi hada dhiman in uusan na galin baaqasho kale hadii eebe laga helo waana mahadsantihiin kuna soo dhawaada markale qeybti 19aad ee sheekada xiisaha badan.


Kadib markii aan guriga Ruuni kazoo tagay waxaan ku Fikiray sidii aan uga hadalsii lahaa mar hadii aan hadiyad u keenay ee ay xitaa igu oran weysay waad mahadsantahay waxaan ka fikiray xeelada kale oo aan uga hadalsiiyo balse iguma soo dhicin waxaan waxaan ku yaabanaa sida aysan uga xishooneyn in ay korkeyga taabato hadane ay hadaladeeda iiga ceshaneyso mar ma aha laba iyo sadex ma aha inta jeer oo ay korkeyga taabaneyso waliba iyadoo muuujineysa ama gudbin aysa fariin aad xasaasi u ah ama iyadoo iiga jawaabeysa arin muhiim ah .

Si deg deg ah uma helin xeelada kale oo aan Ruuni uga hadalsiiyo inkasta oo aan ka fikiri jiray anig oo xeeladaas ku jira ayaan galab galbaha ka mid ah imid guriga Ruuni anigoo doonaya mid ka mid ah wiilasha ay walaalaha ahaayeen galabtaas cirka oo dhan waa xirnaa waxaan daboolay daruuro waaweyn oo mugdi ah ah roob ayaana soo disdisqayay �albaabka ayaan si tartiib ah isaga soo furay waxaan ku iri cod la maqlayo yaa jooga durbadiiba waxaa soo baxay Ruuni sidii caadiga ahaydna way ii dhoola cadeysay iyadoona wax eray ah igu oran laakin albaabyadii ay eegi jirtay ma aysan eegin � aniga ayay i eegtay si toos ah cabaar ayaana eegay dabadeedna jaaw ayaan inta yiri ayaan dib uga soo noqday si aan gurigeyga usu soo laabto oo aan ugu okorto roobabka xooga badan ee bilaabanaya � laakin gadaasheyda ayaan ka maqlay xageed u socotaa adiga wiilasha oo kaliya miyaad guriga ugu timaataa ?��; gadaal ayana usoo jeestay misna waxaa halkeedi taagan oo kaliya Ruuni cid kalene ma aan u jeedin � waxaan is iri codka aad maqashay adiga oo kaliya ayuu kuu qaas yahay oo dhagahaaga ka yeeray ee ka sii soco �intaan sii jeesan bay Ruuni tiri aniga ayaa kula hadlaya ee qof kale ma joogo� waxba ha yaabin!�

Waan rumeysan waayay dhacdadaas waxaana ismooday inaan riyo ku jiro yaab awgiiis sidaas darteedna waan hadli waayay halkeygiina waa kazoo dhaqaaqi waayay � dabadeedna anigoo halkeygii taagan ayay rune ii timid gacantana iga soo qabatay iyadoo I oraneysa �Maxaa kugu dhacay .. anigoo kula hadlaya miyaa I maqlayn� maad ii jawaabtid ?�waxaan u iri si gariir ; waan ku maqlayaa laakin la hadlidaada ayaa si kidis ah igu noqotay � codkaagana waa markii igu horeysay oo aan maqlo!.

Waxay iisoo kaxeysay qolkeedii, markii aan soo galnay waxaan fariisanay laba sariir oo iska soo horjeeda Ruuni intay meel horteyda ku began sariirta ka fariisatay bay lugaheeda isdul saaratay gacmaheedana gadaal u cuskatay dabadeedna dhoola caddeyn iiga baxday.

Anigoo la hadlideeda ay ila hadashay wali aad ula yaaban ayaan isha la racay �Ruuni waxay labisneyd galabtaas guntiino nooca liishaha oo midabkeedu yahay ahaa baluug ayna ka muuqdaan ubaxyo jaalle ah guntiinadaas oo midabka Ruuni oo ah midabka nuuca qamadiga cad cad si fiiican u soo saarayay uguma duubsaneyn sii caadi ah oo inta laba jeer isku soo wareejisaybay feeraha korkeeda meel ay waxyaabo qaali ah uga yiilleen si dabacsan oo aan dhuuqsaneyn uga xiratay, timaheeda ma aysan daboolneyn iyagoo shanlo sidaas ka muuqan ayay gadaal u xirnaayeen�waxaan milicsaday wajigeeda sunniyaha indhaheeda ku qabsoomaa iyo baraarkeeda oo dheedheeraa sankeeda dhuubnaa dhabanheeda si tufaaxa u bislaa sanka ka fogeyn ishana ka hoseysa ay ka muuqatay (barmadoow) oo tabaasheeda la dareemayo waxaan si gaar ah indhaha uga buuxsaday bushimaha afkeeda iyo ilkaheeda cadcaddaa iyo dhoosheeda bidix oo inyar oo hore usoo janjeerta � waana ka jeeysan waayay quruxda Ruuni sida qof dabeyl aad u qaboow ku dhcday oo kale ayay ii dhax qaaday Ruuni anigoo dhan bay isaaqday �iyadoo dhan ayaa iigu muuqatay iftiin indhaha u roon dareenkeyga aragna aad ayuu ugu raaxeystay dabadeedna waxaan jeclaystay in waqtigu ku istaago ilbiriqsigaas.

Lasoco Qeybaha Danbe


Nabiil19@yahoo.com
Aweis Xuseen Shiino Muqdisho - Somalia


Aqri Qeybihi Hore ee Sheekada
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-18aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-17aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-16aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-15aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-14aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-13aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-12aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-11aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-10aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-9aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-8aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-7aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-6aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-5aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-4aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-3aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-2aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-1aad,

NB: Qoraalkaan Xaquuqdiisa Waxaa leh Qoraaga Ku Saxiixan. & Maamulka Shabakada Warsheekh , Fadlan Mala Daabacan Karo, Waji Kalena Looma Ragi Karo, Ee Kala Xiriir Wixi kusaabsan Sheekadaan E-Mailka:Webmaster@warsheekh.com, Sheeko@warsheekh.com



Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip