Wargeyska Xog-maal Ee Ku Hadla Codka Soomalida K/Africa ayaa Waxa Uu Qoray Isbuucani Idinkaga Soo Xulnay Qodobada Ugu muhiimsan Ama Ugu Doorka Roon Ayadoo Wargeyska Xogmaal Uu Soo Baxo Bishii Laba Jeer
Qoysas Soomaaliyeed oo markii ugu horeysay loo dhoofiyey Maraykanka iyo yididiilo ay arrintaasi abuurtey
Qoysaskan oo ka mid ahaa Qaxooti Soomaaliyeed oo la diiwaangeliyey sanadkii tagay ee 2008 xilligii ay dhacayeen Rabshadihii isir naceybka ee lagula kacay muwaadiniinta shisheeye gaar ahaan Soomaalida, ayaa diyaarad gaar ah oo ay leedahay Jamciyadda Qurumaha ka dhaxaysa looga qaaday Magaalada Cape Town.
Inkastoo aan wali la hubin tirada rasmiga ah ee la duuliyey, ayaa wararka qaar waxa ay sheegayaan inay gaarayaan Lixdameeyo ruux, halka kuwa kalena ay tilmaamayaan ilaa 25-ruux oo qura.
Diyaaradda qaaday Soomaalidan markii ugu horeysay qaab qaxooti ahaan ah looga duuliyey dalka Koonfur Africa, ayaa kasoo kicitintay wadanka
Daabulidda qaxootigan Soomaaliyeed ee haatan ka bilaabatay dalka Koonfur Africa markii ugu horeysay, ayaa cirka kusii shareereysa heer kulka Buufiska ee ay la daalaadhacayaan Soomaalida ku dhaqan dalkan K/Africa oo todobaadyadii ugu dambeeyey si raxan raxan ah u tubnaa goobo la sheegay in lagu diiwaangelinayo qaxootiga ku nool wadakan.
Waxaa la arkayaa Boqolaal Soomaali ah oo tuban wadooyinka hareerahooda iyagoo iska waraysanaya goobta ay ka socoto Diiwaangelinta qaxootiga ee ay wado Laanta qaxootiga adduunka u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNHCR.
Koonfur Africa oo ka mid ah dalalka sida daran loogu gumaado muwaadiniinta Soomaalida ayaa la qiyaasaa inay ku nool yihiin in ka badan 35-kun oo Soomaali ah, kuwaasi oo si xawli ah ugu soo qulqulaya dalka.
Waxaa Qoray Bahda Xog-Maal
Tirada Hargab Doofaarka dadka qaba oo sii kordhayso iyo qofkii Afraad oo u geeriyooda
Haweenay uur leh ayaa noqotay qofkii afaraad ee ugu geeriyooda cudurka hargabka Doofaarka ee (Swine flu) wadankan Koonfur Africa magaalada Durban ee gobolka KuwaZulu Natal sida ay shaacisay waaxda caafimaadka gobolkaas.
Haweenay 23 jir ah oo loomalaynayo inay ahayd xaamilo 7bilood ah ayaa waxaa la dhigay cusbitalka
“Haweenaydu waxay lahayd xumad saa’id ah iyo xanuuno kale” ayuu yiri Chris Maxon.
Qiyaasta xanuunka Swine flu ee gobolka laga soo sheegay ayaa waxay tahay hada 132.
qofkii ugu horeeyay ee gobolka ugeeriyooda cudurka ayaa waxa uu yimid xilli ay waaxda caafimaadku qaadi doonto olole ay kula dagaalamayso cudurkan hargab Doofaarka.
Waxaa circa isku sii shareeraya tirade waxyeelada cudurka ee wadankan sida uu sheegay wasiirka caafimaadka Aaron Motsoaledi, Koonfur Afrika hada waxay maraysaa tirade dadka qaba cudurka hargab Doofaarka 1910 sida la xaqiijiyay.
Wadanka qofkii ugu horeeyay ee u geeriyooda cudurka ayaa waxa oo ahaa 22 jir lagu magacaabo Ruan Muller oo wax ka barta jaamacadda Stellenbosch.
Qofkii labaad ee u geeriyooda ayaa ahaa 15 magaalada
Cudur safmar ah oo kadillaacay xaafadda Somalida Bellville ee
Cudurkani hargabka ah ayaa qofka uu qabto dhulka dhigaya kaasi oo wataa xumad xun oo dadka ka ilmaysiinaya kaasi oo la iska qaada hargabkani ayaa iminka noqday hadal heynta ugu badan magaalada Cape Town ayadoo meelaha lagu qaxweyo iyo maqaayadaha ay dadka dadka ka istaagayaan markii uu soo galo qof qaba hargabkani kaasi oo isla markiiba la garanayo calaamadihiisa.
Hoteelada ay Soomalida jiifato ayaa todobaadkani noqday kuwo buux dhaafay ka gadaal markii kici waayeen dadkii daganaa isla markaana qasab ku noqotay in ay sariirtii sii kiraystaan balse dadka qaba hargabkani aya waaya qof u gar gaara ayadoo dadka ka baqanaya in ay ayagane soo ritto waxaana durbadiiba soo xasusanaysaa cudurkii kaduudiyaha ahaa ee ka dilaacay 2005 magaalada Muqdisho.
cudurkani aya leh astaamaha soo socdo sida lafaxanuun,xumad,matag,qofka oo ilmeeya,faruryaha oo qalala, iyo raashiinka uu ka go'a intasi iyo kuwo kale aya ah astaamaha lagu garto cudurkani wuxuuna shabahaa cudur horay loo baaray balse loo wayay magac inkastoo ay soomalida ula baxeen kaduudiye oo horay ugu dilaacay dalka Soomaliya.
Hadaba waxaa haawanaya meelaha ay soomalida ay isug imaan jireen ayadoo qof walba uu ka cabsi qabo in uu ku dhaco hargabkani cusub Sidoo kale waxaa buux dhaafay isbitaalada private-ka ee ku hareeraysan xaafada Bellville
Somalida ku nool tuulada Khayelitsha oo hayaysato Laba daran mid dooro .
Ganacsatada Soomalida iyo K/Africa kuwooda ku dhaqan Degmada Khayliija ee duleedka magaalada Cape Town ayaa waxaa lagu falan qeynayay heshiis ay horey u gaareen labada garab bishii May 11 sanadkii tagayxiligasi oo heshiis lagu gaadhay in aanan la furin ganacsi cusub.
Shirka ayaa goob joogayaal ka ahaa Madax ka Tirsan Dawlada South Africa oo ay Horkacayeen Xubin katirsan Baarlamanka Qaranka South Africa Taliyaha Police-ka xaafada Shirku ka dhacay ee Harare Mr.Neil, Haayada kale oo aan dowli ahayn iyo jaaliyada Sooamalida K/Africa ayagoo dhagaysanayay doodaha halkasi la isku dhaafinayay dhax dhaxaadna ka ahaa.
Ganacsatada u dhalatay dalkani K/Africa ayaa ku doodaya in ay Soomalida Heshiiski hore ay ka baxeen dukaaman cusubna ay sii fureen waxayna cadeeyeen in dhaqaalahooda uu sii yaraanayo ayadoo soomalida meel kasta dukaan ka fureen sidoo kale waxay sheegeen in
dukaaman horay u shaqeyn jiray uu iminka ila xero u dhaw yihiin ganacsatadani aya wejigooda ka muuqatay carro.
Soomalida ka qeyb gashay shirka ayaa ku cadaatay eedeymaha loo soo jeediyay waxaana iminka loogu fadhiyaa in ay fuliyaan balantii ay horay u galeen taasoo ah in ay xeraan dukaaman iminkaba shaqeya balse arintani ayaa laf dhuugashay ku noqotay gudiga loo xilsaaran la xaajoodka dhigooda.
Arintani ayaa ah laba daran mid dooro ayadoo aad u adag tahay in qofSoomali ah in uu baxo dabadeena xero dukaan uu walaalkiisa leeyahay hadii taasi ayna dhicin laga yaabo in Soomalida oo dhan laga ceyriyo tuulada sidii ay horayba u dhacday arintani oo kale.
Sadex Masuul oo Home Affairs ka ka shaqeeyo oo Xabsiga loo taxaabay.
Sadex masuul oo kashaqaynayay xafiiska Home affairs-ka magaalada Port Elizabeth ee gobolka Eastern Cape ayaa xabsiga loo taxaabay kadib markii lugu helay musuq-maasuq.
Xariga masuuliyiintaan ayaa yimid muda sanad ah oo ay dambi baari kusocotay sida uu saxaafada u sheegay kabtan
Laba masuul ayaa laga qabtay xafiiska Home affairs halka masuulka sadexaadna laga sooqabtay gurigeeda, xarigan ayaa kulugleh musuq maasuq kajira Home affairs ka gudihiisa, waxaana lagu eedeeyay inay samaynayeen Baasabooro been abuur ah, waraaqaha dhalashada, cadaymaha guurka iyo Warqadaha aqoonsiga oo xatooya ah.
Waxaa lafilayaa in baaritaanku uu sii socondoono dad badan oo kulug lehna lasoo qaban doono.
Dukaamo ay dawladda Koonfur afrika irdaha iskugu laabtay
Dukaamo ay leeyihiin dad Soomaaliyeed ayaa illimada loo laabay dalka K/Afrika, iyada oo laga cabsi qabo in la xirro kuwa kale oo badan xilli dowlada dalka la wareegtey ay kiyaawaha ku dhuujineyso shuruucda ganacsiga ee dalka.
Magaalada Johannesburg duleedkeeda ayaa ah meeshii ugu horeysey ee ay arrintani saameysey, waxaana la xirey illaa dhowr dukaan Tuulada Tsakane ee magaalada Springs oo 30km u jirta
Dukaamada la xirey ayaa waxaa loo cuskadfay in ay heysan shahaadooyinka ogolaanshaha ganacsiga ee waaxda canshuuraada ee loo yaqaano SARS (South African Revenue Authority), kolonyo baabuur ah oo ciidamada amaanka ah iyo saraakiil ka socda waaxda canshuuraadka ayaa wareegayay tuulada oo kolba dukaan tagayay iyagoo xirayay dukaan kasta oo ay ku helaan in uusan heysan shahaadada ganacsiga.
Mid ka mid ah dukaamada ayaa waxaa lagu xirey labbo wiil oo dhalinyaro oo markii dambe ay soo siidaayeen saraakiil ka socda Jaaliyada Soomaalida K/Afrika SASA oo meesha gurmad ku tagay, Mudane Cabdirashiid Ibraahim oo ah kusimaha Agaasimaha Guud ee Jaaliyada oo meesha gaaray ayaa warbaahinta u shegey in Soomaalida ay tahay in ay ka taxadaraan nidaamka ganacsiga ee ay hayaan xilli buu yiri dareenkja dowlada uu ku wajahanyahay muhaajiriinta dalka joogta
Waxaan la socdey gawaari ay Jaaliyadu leedahay oo wiilashii la xirey ka qaaday Saldhiga Police-ka oo geeynayay dukaamadii lkaga soo xirey, markii aan dukaamadii tagnay ayaa waxaa markaliya qeeylo farxadeed oo dabaaldeg ah sameeyey darsano dadka deegaanka oo dherersanaa xirnaanshaha dukaanka, iyagoo markiiba soo buuxdhaafiyey markii la furey dukaamada.
Ayaanle Daahir Xuseen waa nin dhalinyaro ah oo labaatan iyo dhowr jir ah kana mid ahaa dhalintii la xirey, wuxuu ii waramayay isaga oo gadaal ka taagan qaanada lacagta ee dukaanka laga iibiyo , wuxuu sheegey in aysan horaan uga warheynin in looga baahanyahay shahaadada ogolaanshaha ganacsiga iyo carshuurta, laakiin manta ay tahay markii ugu horeysey ee dowlada ay weeydiiso canshuur.
Waxaa la dhihi karaa in 90% Soomaalida dalkani ku ganacsata aysan ka diiwanagasheyn waaxda casnhuuraha isla markaasina aanan waafaqsanayn shuruuc badan oo dalka ka jira oo xagga ganacsiga ah qaar ahaan goobaha ku haboon ganacsiga,
Isdiiwaangalin laanta canshuuraha ee SARS waa arrin aad ugu sahlan oo uusan ku lug lahayn qarash badan, isla markaasina is hortaagi karta wax kasta oo dhibato ah oo loo geysan lahaa Soomaalida, tusaale ahaan dadka booba ganacsiyada Soomaalida waxay ku marmarsoodaan oo ay ku qiilsamaystaan in aysan Soomaalida canshuur bixinin
Waxaa la filayaa in dowladu ololahi ku fidiso dalka intiisa kale sidaasi darteed waxaa Soomaalida looga fadhiyaa in ay is diiwaangaliyaan inta aanan laga xirin.
By Tafaftiraha Wargeyska Xogmaal Maxamed Muuse Nuur (Deeqdarajo)
Wargeyska Xogmaal Ee Ka Soo Baxa South Africa Ayaa Qoray Warbixino Xiiso Badan Oo Ku Saabsan Arimaha Soomalida K/Africa.