Madaxda Africa Oo Maanta Kulmaya, Kana Hadlaya Xaalada Cakiran Ee Ka Aloosan Soomaliya.

0
Sunday August 30, 2009 - 12:16:38 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 563
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxda Africa Oo Maanta Kulmaya, Kana Hadlaya Xaalada Cakiran Ee Ka Aloosan Soomaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maanta Oo Axad ah ayaa waxaa la filayaa In magaalad Tripoli ee dalka liibiya uu ka furmo shir Balaaran ay wada yeelanayaan wadamada xubnaha ka ah Urur Weynaha Midowga Africa.

Kulankaasi oo maanta ka dhacaya magaalada Tripoli ayaa waxaa ka soo qeyb galaya Dhamaan Madaxweynayaasha wadamada qaarada Africa ayaa waxaa looga hadli doonaa xaalada Qaarada Africa waxaana si gooni ah xooga lagu saari doonaa ka hadalka Arimaha cakiran ee ka aloosan gudaha dalka Soomaliya.

Madaxweynayaasha Africa ayaa ku sii qulqulaya dalka Liibiya oo ka dhici doono shir weynaha qaarada Africa ayadoo Madaxweynaha Wadanka Libya Korneel Mucamar Al-Qadaafi oo shir gudoomin doona Shirka.

Madaxweynaha Dowlada KMG Soomaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa la filaya in uu saaka ka dego Magalada Tripoli halkasi oo lagu waddo in uu ka qeyb qaato kulan madaxeedka Qaarada Africa Sheekh Shariif ayaa iminka booqasho ku jooga wadanka Qadar.

Madaxweynaha Soomaliya ayaa looga fadhiyaa in uu soo bandhigo xaalada aloosan ee ka taagan gudaha wadanka Somaliya ayadoo iminka dagaalo xoogan ka soconayo caasimada magaalada Muqdisho iyo qaar ka tirsan gobolada Dalka.

Madaxweynaha Dalka Liibiya oo wareysi siiyey Warbaahinada dalkiisa ayaa sheegay in shirkaas u ahaan doono mid sii weyn looga hadli doono amuuraha wadanka Soomaaliya gaar ahaan xaaladihi ugu dambeeyey siiba dagaalada ka socda Dalka Soomaaliya.

Shirkani ay isugu imaanayaan Madaxweynayaasha Qaarada Africa iyo wixii ka soo baxa waxaa idin kugu soo gudbin doonaa warar keena danbe hadduu Allaha Awooda leh Raali Ka Noqdo.

Maxamed Deeq Muuse

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip