Sidee maanta looga ciiday magaalada Addis-Ababa ee dalka Ethiopia (Daawo Sawiro )

0
Sunday September 20, 2009 - 21:17:42 in Left-side by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1974
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sidee maanta looga ciiday magaalada Addis-Ababa ee dalka Ethiopia (Daawo Sawiro )

    Magaalada Addis-Aba ayaa maanta si weyn looga ciiday iyadoo aan loo kala harin dhammaan dadyowga Muslimiinta ah ee ku nool Magaalada Addis-Ababa ee dalka Ethiopia.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Addis-Aba ayaa maanta si weyn looga ciiday iyadoo aan loo kala harin dhammaan dadyowga Muslimiinta ah ee ku nool Magaalada Addis-Ababa ee dalka Ethiopia.


 



Kumanaan dad ah ayaa maanta fagaaraha stadiumka magaalada isugu soo baxay si ay ugu dukadaan Munaasabada salaada Ciidul Fitriga.

Dadyowga isugu yimid garoonka weyn ee magaalada ayaa isugu hambalyeenayey munaasabada ciidul fitriga ayagoo wijiyadooda laga dareemayey farxad aad u weyn.

Dadka kasoo qeybgalay salaada ciidul fitriga ayaa waxa ay buux dhaafiyeen stadiumka iyo waddooyinka waaween ee soo galay hareeraha garoonka.


Kadib markii laga soo baxay salaada ayaa waxay dadyowga qaarkood qaadayeen nabi amaano ayagoo dhax gaardinaya wadooyinka waaweyn ee ku hareereysan Stadiumka.

gawaarida baabuurta ee marta wadooyinka soo gala stadiumka iyo hareerahiisa ayaa maanta la hakiyey ilaa inta laga dukanayey labada rakco ee salaad ciidul fitriga.

Dhinaca amniga ayaa waxaa aad u sugayey ciidamo loo labisay darees gaar oo sanadiiba markaan oo kale loo labiso.




Magaalada Addis-Ababa ayaa hawaanba caado u ah in markasto lagu wada dukado munasabada salaada ciidul ftiriga Stadiumka weyn ee ku yaala bartanka magaalada.

C/fataax Sh. C/waaxid oo ka mid ah dadka kasoo qeybgalay munaasabada salaada ciidul fitriga ayaa wax ka weydiinay shucuurtiisa ku saabsan munaasabada ciida wuxuuna yiri sidaan"maanta shucuurteyda aad ayey u kacsantahay maxaa yeelay waxaa inoo soo idlaaday Bishii Barkeysneed ee Ramadaan waxaana leeyahay umadaha islaamka samaan ku wada ciida waxaan kaloo hambalyo iyo bogaadin u dirayaa asxaabteyda ku kala nool caalamka daafihiisa kala duwan waxaana leeyahay ciid Mubaarak".


Dhinaca kale Axmed Maxamuud Ismaan oo aan wax kaweydiinay shucuurtiisa ku aadan munaasabada ciidul fitriga ayaa waxa uu isna yiri sidaan "Shucuurteyda aad ayey u sareysaa maanta waxaana dareemayaa farxad aad u weyn munaasadaan awgeed dadyowga Islaamka ahna waxaan leeyahay ciid wanaagsan Kullu Caam Wantum Bikheyr".

Iyo dad kale oo farabadan ooo aan wax ka weydiinay oo aan halkaan kusoo koobi karin waxaana leenahay umadaha Islamka Samaan ku ciida Kullu Caam Wa Antum Bikheyr.

Qoraaga iyo sawir qaade Cali Sh Axmed (Cali Yare).

c_yare2@hotmail.com c_yare2@warsheekh.com

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip