Seyoum Mesfin W/Arimaha Dibada Ethiopia oo kulan la qatay Madaxweyne C/laahi Yuusuf...

0
Saturday August 16, 2008 - 13:04:48 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1755
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Seyoum Mesfin W/Arimaha Dibada Ethiopia oo kulan la qatay Madaxweyne C/laahi Yuusuf...

    Madaxweynaha dawladda KMG ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed ayaa xalay la kulmay Wasiirka Arimaha Dibada ee Dalka Ethiopia Seyoum Mesfin ayagoo ka wada hadlay xiriirka labada wadan & Iskaashiga dhinaca amaankaa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dawladda KMG ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed ayaa xalay la kulmay Wasiirka Arimaha Dibada ee Dalka Ethiopia Seyoum Mesfin ayagoo ka wada hadlay xiriirka labada wadan & Iskaashiga dhinaca amaankaa.


Madaxweyne Yuusuf ayaa uga waramay Wasiirka Arimaha Dibada Ethiopia xaaladaha Siyaasadeed ee waqtigan ka taagan dalka Soomaaliya & arimaha amaanka wuxuuna sheegay Madaxweyne Yuusuf in amaanka Soomaaliya mudooyinkii ugu dambeeyey soo wanaagsanaayey ,inkastoo ay soo baxayeen weeraro lugu qaadayo ciidamada dawladda Soomaaliya.

Wasiirka arimaha dibada ee Dalka Ethiopia ayaa sheegay in ay sii wadayaan Xiriirka ka dhaxeeya dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ,isagoo sheegay in ay Itoobiya dooneyso in ay dawladda Soomaaliya guud ahaan gacanta ku qabto dalka Soomaaliya.

Kulanka Labadan Mas’uul ayaa hordhac u ahaa wada xaajoodyo bilowday shalay galab ,waxaana warkan Shabakada Warsheekh uxaqiijiyey Qaar ka mid ah Masuuliyiinta la socota Wafdiga uu hogaaminayo Madaxweynaha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

Wada hadalo dhinaca Siyaasada ah ayaa ka socda Magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia,waxaana wada hadaladaasi qaar ka mid ah xalayba dhexmareen Madaxda ugu sareysa Dowlada Ethiopia & Madaxweynaha Soomaaliya.

Wada hadalada Siyaasada waxaa lugu soo darayaa Iskaashiga dhinaca amaanka ah & sidii dawladda Soomaaliya gacan looga siin lahaa dardargalinta & howlgalinta ciidamadii dhawaan tababarada ku qaatey dalka Itoobiya.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip