Dadyowga muslimiinta ah ee ku dhaqan magaalada caasimada ah ee Addis-Ababa ee dalka Ethiopia ayaa aroornimadii hore ee shalay usoo dareeray dukashada munaasabad salaada Ciidul Adxaha.
Munaasabada salaada ciidul Adxaha ee shalay ayaa waxaa kasoo qeyb galay kumanaan dad ah oo buux dhaafiyey Stadiumka iyo wadooyinka waaween ee mara hareerahiisa.
Magaalada Addis-Ababa ayaa markasta caada u ah in dadka muslimiinta ah ay halmeel kuwada dukadaan labada ciid ee musliimnta halkaas oo ah Stadiumka magaalada oo ku yaala bartanka magaalada.
daweynaha isugu yimid garoonka weyn ee magaalada ayaa isugu hambalyeenayey munaasabada ciidul Adxaha ayagoo wijiyadooda laga dheehanayey farxad aad u ballaaran.
Munaasabada salaada ayaa shalay u dhacday si heersare ah waxaana ammaanka si weyn u adkeynayey ciidamo loo xeray dereesyo gaar ah oo loo xero sandii laba mar oo ah labada ciid ee musliimnta.
Dhaq dhaqaaqa gawaarida marta wadooyinka waaweyn ee mara hareeraha garoonka ayaa shalay hakad la giliyey ilaa inta laga dukanyo labada rakco ee salaada ciida.
Cumar sh Axmed yare (Dr-Caamir) oo ka mid ah daweynaha kasoo qeybgalay munaasabada salaada ciida ayaan wax ka weydiinay shucuurtiisa ku aadan munaasabada ciida wuxuuna ku jawaabay sidaan: Shucuurteyda shalay aad iyo aad ayey u kacsantahay mana qiyaasi karo waxaana dareemayaa farxad aad u ballaaran munaasabadaan owgeed" waxaan kaloo weydiinay Mr Cumar meeqa ciid aya magaaladaan ku ciiday? wuxuu yiri: "waxaan ku ciiday magaalada afar jeer waligey ma arkin magaalo nuucaan oo kale oo hal meel lagu wada dukanayo iyadoo aysan jirin wax khilaaf ah waxaa dadweynaha muslimiinta ah u dirayaa hambalyada munaasabada ciida sanadaan sanadeeda bash bash iyo barwaaqo ku gaaro Allaah naga dhigo waddankena soomaalina xasilooni Allaah noogu soo dajiyo".
Sidoo kale C/raxmaan Siid Cali Macalin Seerjiinte (Iiraan cadde) ayaan wax ka weydiinay shucuurtiisa ku wajahan munaasabada ciida wuxuuna yiri sidatan: "Shucuurteyda maanta aad ayey u sareeysaa mana la qiyaa karo waa ciidu iigu horreysay oo aan ku ciido magaaladaan waxeyna ila noqotay markii aan arkay dadka isugu soo baxay munaasabada salaada shalay in uusan waddankaan kaafir ku nooleen mana arkin magaalo sidaan oo kale oo khilaaf la'aan ah oo halmeel lagu wada dukanayo waxaan salaan iyo hambalyo u dirayaa dhamaan dadweynaha muslimiinta ah waxaana leeyahay samaan kuwada ciida".
Iyo dad kale oo farabadan oo halkaasn lagusoo koobi karin waxaana Eeba uga baryeenaa Ciidul Adxaha shalay awgeed inuu dalkeena dhiibaatada uga qaado wixi dhibaayo uu Ilaahey ka qabto Xukuumad caadil ahna Ilaahey waddanka u dhaliyo.
Dhinaca farsamada waxaa gacan iga siiyey sxbkey Xuseen Xaaji Faanaye waa bahda warsheekh oo idin leh sanadaan sanadeeda sama ku gaara dadyowga Islaamka Kullu Caam Wantum Bikheyr.
Cali Sh Axmed (Caliyare)
E-mail:
c_yare2@warsheekh.com
c_yare2@hotmail.co
Tell: 251911149677
Sidee shalay looga ciiday magaalada Addis-Ababa ee dalka Ethiopia (Daawo sawiro)
Dadyowga muslimiinta ah ee ku dhaqan magaalada caasimada ah ee Addis-Ababa ee dalka Ethiopia ayaa aroornimadii hore ee Shalay usoo dareeray dukashada munaasabad salaada Ciidul Adxaha.