Maanso: Shacabkaa Dambiila ah
Dunidaba nin joogow
Inkastood da’weyntahay
Maxaa daymo kuu dhiman
Adigoon dareen qabin
Maxaad hawl la daristaa
Waxaan uga danleeyahay
Deelleeyda jiiftada
Ragga daabacaayee
La duljooga qalinkoow
Murti lagu dabeebtiyo
Hadal lagama daalee
Iska daa wacnaydaa!!!
Dux haddii ay leedahay
Ama ay wax daawayn
Dadku uu ku waansami
Dariiqii rasuulkiyo (S.C.W)
Diintiyo shareecada
Dacal lagama dhaafeen
Balse aan darooryamo
Shido dogobyo waaweyn
Doonyaysto tabartay
Diiwaanka maansada
Dastuurkeeda quruxda leh
Raga dawyaqaannee
Dubaaqooda waxa jira
Abwaannada na doojoow
Salaan diirran duudduub
Taa degaye tukale qabo
Nin durbaan garaacoow
Dalbataye ilaaq hoo
Duqa waayadiisii
Dorraatiyo wixii dhacay
Dood yar baan ka leeyahay
Isagoon dambiba galin
Tolow yaa la duudsiyay?
Sida dibigii Doollood
Darka ceelka laga duway
Kaligii la daayacay?
Yaa dalawadiisii
Aayar laga dareersaday?
Tolow yay dabaabaad
Kaligii duqeeyeen?
Yay daarihiisii
Kaligii ka dumiyeen?
Tolow yaa la daajoo
Darib iyo baruuriyo
Dambar loo dhiteeyoo
Yaa doobka caana ah
Ka durduurtay kaligii?
Yaa dabaqyo dhaadheer
Deeqiyo u helay hibo?
Ha degdegine doogdhabo
Wali maaxda dowdabo
Dadka oon irdhaysnayn
Dowladdooda wada raba
Yaa daba maryeeyoo
Dabaqlayda Xabashida
Daafidooda qudhunka ah
Bishimihiisa yaa daray?
Yaa dab iyo baaruud
Degta loogu soo xidhay
Dugsigiisi yaa gubay?
Sooyaalku duug ma leh
Darsi weeye aan hadhin
Taa degaye tukale qabo
Calankeeda dooggiyo
Soomaali oo duman
Isku duubni wadareed
Ninka diidayeen rabin
In lakala dibboodoo
Ninba duur cidla ah xulo
Afka laysu wada duwo
Isagaaba doonaye!
Dawadaad tilmaantee
Duudkiisa lagu raray
I deeqsii magaranine!!!
Dakharrada walaalkiis
Dunjigiisa lala dhacay
Ninka aan ka digigixan
Een dubaaxin jiidhkuna
Mar qudheeto daayaay
Dibnihiisa laga maqal
Dawadaad tilmaantee
Duudkiisa lagu raray
I deeqsii magaranine!!!
Gumaysigu kuwuu dagay
Dabar iyo hoggaan sudhay
Dakanadooda maqaniyo
Dal inay xoreeyaan
Wali dayday ugu jira
Markay soo dan moodeen
Ninka laba dibleeyee
Sida dubaaxa suuqyada
Ka dillaalay ee gaday
Dawadaad tilmaantee
Duudkiisa lagu raray
I deeqsii magaranine!!!
Ma degdegine doogdhabo
Wali maaxda dowdabo
Nin qabiilka daaqsada
Damiirlaawe baasiyo
Inuu yahay doxore jaan
Inagama dahsoonee
Tolow yaa dawariyoo
Daacuun iyo xanuuniyo
La wareegi duumada?
Been miyaan daldalannaa?
Shacabkaa dambiile ah!
Dumariyo dhallaaniyo
Duqay iyo nin door iyo
Dirac aan xumaba talin
Wixii duhur la gawracay
Dahab gabadh ahaydoo
Sida ubax la daawado
Wuxuu DAYDAY leexsaday
Mooryaan ku doobdhebay
Iyadooy ilmadu di’
Wax u diirnaxaa jirin
Wixii baasku uu dubay
Dibjir iyo ma naxe iyo
Doqon aan hallaba garan
Waxay culimo dooxeen
Wixii degello baab’ay
Dukumdaakum laga dhigay
Doonyuhu badweyntaas
Danyar waxay ku daadsheen
Wixii qaar dayooboo
Dirgan waayay gaajada
Dugaaggiyo waraabuhu
Cidla’ waxay ku diirteen
Dawdhaaf wixii dhacay
Wixii silic la dalandalay
Darxumana la laasimay
Duul shisheeye muu dhigin
Dagaal-ooge muu falin
Danaystena ma daadihin
Sheekhna duub umuu xidhan
Shacabkaa dambiile ah
Isagaa ninkii dila
Darajeeya waligii
Isagaa nin daalima
Ku difaaca “reer hebel”
Daaduf iyo nin liiti ah
Isagaa dalliciyoo
Dadqal iyo abees iyo
Ninka dhiig durduurtuu
Daljir uugu yeedhaa
Dulmiguu gargaara
Madegdegine doogdhabo
Wali maaxda dawdabo
Ninka daacad maamula
Waligii ma doogsado
Dabin bay u qoolaan
Dalaw bay ka tuuraan
Daciif bay yidhaahdaan
Waxba yaanan duuddiyo
Dooxyada jibaaxine
Dabuubtiyo ujeeddada
Waxa aan ku soo dumay
Iyadoon la dedin hadal
La dulxaadin sheekada
Kambalkiyo duleeddada
Hoos ha looga soo dego
Soomaali waxa dilay
Dulligaas waxaa baday
Waa dirsooca haybeed.
Jeeroo la daayana
Dawo yeelan maynee
Nin walbow damiirkaa.
W.T
Abdi Omar Haro
cabdi30@googlemail.com
Halkaan Ka Aqri Maansadi kale ee Diiwaanka Cusub.
( Danasheeg) Diiwaanka Cusub Deelayda (Abwaan Axmed Xaayoow)
(Dal Badbaadshe) Diiwaanka Cusub Deelayda (Abwaan Xasan)
(Dulmidiid) Diiwaanka Cusub Deelayda (By Axmed Xaayoow (Dulmidiid)
( Dulmidiid) Diiwaanka Cusub Deelayda By: Cabdiraxiim Hilowle (Galayr)
(Dacwo) Diiwaanka Cusub Deelayda ( Abwaan Xasan Abuukar(Abaaji)
( Dabataal) Diiwaanka Cusub Deelayda 'By, Axmed Xaawoow'
( Dawo) Diiwaanka Cusub Deelayda (W/C: Muxyadiin X Ciid)
(Shacabkaa Dambiila ah ) Maanso ka mida deelayda qarniga 21aad (By Abdi Omar Haro)
Maansadii Shacabkaa Danbiile ah Asc salaan dhammaan Hal-abuurka. gaar ahaan intaan maansadooda arkay (wa intaan emailkan u soo diray). ummadda soo Somaliyeed in ilaahay dhibka ay iyadu iska galayso, ka kor qaado, usoo duceeya. kollaba fikirkayga