Gudoomiye Cabdi Xaashi oo ugu dambeenti la qanciyay (Warbixin)

0
Monday May 24, 2021 - 18:55:14 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 633
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiye Cabdi Xaashi oo ugu dambeenti la qanciyay (Warbixin)

    Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan is-afgarad ku soo dhammaaday la yeeshay Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan is-afgarad ku soo dhammaaday la yeeshay Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Kulankaan ayaa ku saabsanaa arrimaha doorashooyinka, sida uu sheegay Afhayeenka Xukuumada Maxamed Ibraahim Macalimuu.

"Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan is-afgarad ku soo dhammaaday oo ku saabsan arrimaha doorashooyinka la yeeshay Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee BFS Cabdi Xaashi Cabdullaahi. Tani waxa ay qeyb ka tahay dadaallada Ra'isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu ku doonayo in dhamaan saamileyda siyaasadda in taladooda ay ku biiriyaan geedi socodka dhameystirka Hishiiskii 17ka Septeembar oo aasaas u ah Shirka Qaran ee soconaya lana filayo in lagu heshiiyo". ayuu yidhi Macalimuu

Raysal Wasaaraha oo hoggaaminaya shirka qaran ee wadatashiga doorashooyinka ayaa ku mashquulsan sidii xal looga gaari lahaa khilaafka hortaagan qabsoomida doorashada Soomaaliya.

Khilaafyada hadda taagan waxaa kamid ah guddiga maamulaya doorashooyinka xidlhibaanada gobolada waqooyi, Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa ka hor yimid guddi horey dowladdu u magacowday oo qeyb ka ah guddiga doorashooyinka.

Cabdi Xaashi oo aan hadda qeyb ka ahayn shirka Muqdisho ka socda ayay u muuqataa in raysal wasaaruhu si gaar ah ugala hadlayo arrinta xildhibaanada Somaliland.



Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip