Farmaajo: Guul siyaasadeed ama geeri. (Warbixin)

0
Monday December 27, 2021 - 11:14:59 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 777
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Farmaajo: Guul siyaasadeed ama geeri. (Warbixin)

    Tan iyo marki hakad kuyimid hore usii socoshada utartamida kuraasta baarlamaanka ayaa waxa cabsi xoogan soo wajahday xulafada Madaxweyne Farmaajo kuwaasi oo isu tusayay iney hanaanka doorashada kusocotay uu ahaa mid iyaga dhankooda udaneenayay hasa y

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tan iyo marki hakad kuyimid hore usii socoshada utartamida kuraasta baarlamaanka ayaa waxa cabsi xoogan soo wajahday xulafada Madaxweyne Farmaajo kuwaasi oo isu tusayay iney hanaanka doorashada kusocotay uu ahaa mid iyaga dhankooda udaneenayay hasa yeeshe ee kahortimid mowjado siyaasadeed kuwaasi oo hakad geliyay hannaanki ee wax usocdeen sidoo kalena shaqa joojin lagu sameeyay qaar kamid ah gudiyadi doorashada oo lagu tuhmay musuqmaasuq.

Xulufadada madaxweynaha oo ee ka go'antahay xeelad kasta iney markale dib ugu soo laabtaan xukunka dalka ayaa iminka waxey ee qaadayaan tallaabadi ugu qaraareed taasi oo kadhigan tan ugu dambeeso isla markaana hal natiijo laga filan karo taasi oo ah guul ama geeri.

Dhaq dhaqaaqa iminka socda ayaa ah mid dhanka militariga ah iyadoo ladoonayo in garabka ra'isul wasaaraha shaqo joojin militari lagu sameeyo taasi oo xulufada madaxweynaha ee sii qorsheeyeen in xataa dhiig kudaato maxa yeelay, waxey isu tuseen ineysan qasaaro siyaadeed oo hor leh uusan soo gaari doonin mar hadii hanaanka doorashada ee umuuqday kushubashada wax laga badalay, taasi oo ee isu tuseen xulufada muxaafadka iney tahay bilowga bur burkooda eena ufuran tahay oo kaliya awood militari.

Maxey tahay sababta Mudane Farmaajo iyo xulufadiisa kuqancisay in awood wax lagu jiriyo?

Waxa la rumeesan yahay in aragtidaani ee katimid dhanka xulufada siyaasadeed ee Farmaajo gaar ahaan waayo aragnimadi laga dhaxlay collaadi Itoobiya kadhacday taasi oo dowlada Itoobiya qaaday dagaal xoogan oo eesan taageero uga heesan beesha caalamka hasa yeeshe ku adkeesatay in cagta mariso kooxihi mucaaradka ahaa.

Farmaajo iyo Kooxdiisa ayaa rumeesan in hadii ee kuguuleestaan tallaabadaani militari ee kadhigan tahay in beesha caalamka ugu dambeen kuqasabntahay iney taageero muujiyaan, hadiisa uu kuguul dareesto ee noqon doonto gunaanadka damacooda siyaasi.

Warsheekh Muqdisho


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip