Badanaa soomaalidu waxay ku dhaarataa, dhasheeda, iyo xigtadeeda iyo xoolaheeda iwm, eebbe in ay ku dhaartaanna badanaa way iska dhowraan oo ma jecla, maxaa yeelay waxay rumaysanyihiin, in dhaarta eebbe lagu dhaarto ay tan kale ka kulushahay oo ay ka abaalmarin xuntahay oo haddii uu qofku eebbe ku dhaarto uu abaalmarin xun helayo, ama run ha ku dhaarto ama been ha ku dhaarto e.
Meelaha qaarkood, dhaarta eebbe lagu dhaarto qofka lagama qaato, ee in uu xoolihiisa, gaar ahaan, geeliisa ama carruurtiisa siiba, wiilashiisa ku dhaarto ayaa lagama maarmaan ah si waxa uu sheegayo looga runsado, waayihii hore, dab ayaa la isku dhaarin jiray, laba jaad ayaana badanaa loo adeegsan jiray dhaarta debka, in bir siiba masaar iwm, dab la gelsho oo marka ay birtaasi casaato oo aad u kululaato, qofka loo yeero oo labada sacab loo saaro, dabadeedna asiga oo birtii kululayd sacabada ku sida uu sagaal tillaabo la qaado oo socdo, haddii uusan guban in laga gardaranyahay bay taasi caddaynaysaa, haddii uu gubtana in uu gardaranyahy bay taasi caddaynaysaa.
Jaadka labaad ee la isu dhaarin jiray waa, in god wayn oo sagaal tillaabo dhererkiisu yahay, jooggiisuna nin sabarkiis ama sintiisa la egyahay, dhulka laga jeexo oo dabadeed qoryo dhamallo ah inta lagu aruursho la shido, kolka ay qaxaan oo ay dhuxul noqdaan ayaa qofka la dhaarinayo loo yeerayaa.
Kolkaas buu intuu soo qubaysto asiga oo qayd yar dhexda ugu xiranyahay oo aan dhar kale iyo kaba sidan imaanayaa, godka dabku ku shidanyahayna qof ayaa ood ama qoray dheer oo madaxa oodi uga xirantahay la ag joogsanaya oo inta aan ninka la dhaarinayo soo gelin ayuu dabka deebta ka jafayaa, oo oodda ayuu dhuxulaha qamacda ah, aal yar dhusha uga jiidayaa si ay u huraan oo dhinbilo iyo deebi korkooda uga kacdo.
Taasna badanaa waxaa looga danleeyahay in qofka la dhaarinayo lagu cabsiiyo oo la tuso debka kulaylkiisa inta uusan gelin, kolka ninka dhaaranayaahi yimaado oo debka siigada ama deebta laga bitiyo ayaa odayaasha iyo garsoorayaashu ninka dhaaranaya labo walxaato kala doorran siinayaan, in uu debka galo oo uu sidaa ama ku dhinto ama ku gubto oo uu ku naafoobo iyo in uu waxa lagu sheeganayo iska ogolaado, ninka dhaaranayaahi marka asiga ayaa labadaas tii u roon qaadanaya.
Haddii uu in uu dhaarto goosto, ayuu kolkaa debka asiga oo cagacad aal yar godka qarkiisa intuu istaago ku deganayaa, kolkaas buu ku dhexsocanayaa oo geestii uu ka galay teeda kale ka baxayaa, waana sagaal tillaabo oo dherer ah, ama sagaal saamood, oo dhuxusha qamacda ah korkeeda lagu soconayo, haddii uu ka gudbo wax loo haysto ma jiraan in laga gardaranyahay ayaana meeshaas ka caddaanaysa, haddii uu gubto ama debka ka baqana in uu gardaranyahay ayaa meeshaas ka caddaanaysa qaantii loo haystayna waa korkiisa.
Labadaas siyaabood ayaa wayihii hore la isu dhaarin jiray, sida aan odayaasha ka maqalnay, sheekooyinka iyo kutiri kuteenta soomaaliduna tusayso, taasi waa haddii dhaarta arrin wayni ku xirantahay oo ay garsoor ku lug leedahay, sida xoolo la xaday iyo dhiig la galay iwm, dhaarta jaadkaas ah ee dabka la isku dhaarin jiray, oo aan run ahaantii la garanayn goortii ay soomaalidu adeegsigeeda iska daysay iyo goortii ay billawday intaba ee waxa la ogyahay ay uun yihiin in dhaqanka iyo hiddaha sheekooyinka ku lug leh lagu soo sheegay in ay jirijireen dhaaro jaadkaas ah.
Waxaanse u malaynayaa in dhaaraha jaadkaas ah ee dabka la isku dhaarinjiray la adeegsanjiray intii u dhaxaysay qarnigii sagaalaad iyo qarnigii lix iyo tobnaad billawgiisii ciise dabadii, maxaa wacay, waxaan ku aragnay kutubta taariikhda qaarkeed, siiba kitaabkii uu qoray caalimkii shiinaha ahaa ee la dhihi jiray Tuan Ch'eng-shih ee geeryooday taariikhdu kolkay ahayd (863kii ciise ka dib), ee cinwaankiisu ahaa "yu-yang-tsa-tsu" waxaan ku aragnay in dadkii magaalada berbera degganaa waagaas ay ahaayeen kuwo haddii ay doonaan in ay ganac galaan kolka hore yar iyo wayn raggoodu uu dhiig iska daadsho dabadeedna ku dhaarta "naclad".
Waxayna u muuqataa in uu qoraagu uga jeedo in ay dadkaasi caado ka dhigteen in haddii ay doonaan in ay dhaartaan ay kolka hore meel jirkooda ka mudaan oo dhiig ka keenaan dabadeedna ay ku dhaartaan in "nacalad" oo ah "xumaan" ay ku dhacdo qofkii wax khayaama, waxaa kale oo laga garanayaa qoraaga hadalkiisa in dadkaasi ay soomaalida hadda jirta abkoodii ahaayeen.
Maxaa wacay wuxuu ku tilmaamay in ay cunaan cad iyo caano xoolo dhaqatana yihiin haragga xoolahana guntadaan, astaamahaas dhammaantoodna waa astaamo soomaalidii hore iyo midda maanta joogtaba lagu yaqaan, haddii ay kolka taasi rumowdo waxaa halkaa ka cad in taariikhda dhaarta soomaaliyeed ay soo martay heerar kala duwan, oo ay soomaalidu wixii qarnigii sagaalaad ciise ka dib ku sinnaa ama ka horreeyay inta la ogyahay ay ku dhaaranjireen dhiig la daadsho iyo in lagu rido qofka wax dhagra ama xumaan gaysta in "wax xumi ku degaan".
Taas waxay u dhawdahay sida aan maanta u dhahno "nacaladi ha ku dhacdo", taas ka dibna ay barteen in dab lagu dhaarto, waxaana loo malaynayaa in ku dhaarashada dabku joogsatay qarnigii lix iyo tobnaad agihiisii maxaa wacay diinta islaamka ayaa waayahaas si wanaagsan dalka soomaaliya ugu fidday waxaana hubaal ah in ay la dagaallantay wixii arrimo diimeed ahaa ee ayada ka horreeyay.
Waxaase in loo fiirsado mudan in ay jirtay waayo dambe "dhaar" isku dhaf ah oo ka kooban jaadkii hore ee dab ku dhaarashada ahayd iyo cibaadooyin kale oo islaamku leeyahay, gaar ahaan reer miyiga soomaalida dhexdooda.
Waxaan meelaha qaar kood ka helnay sheekooyin caddaynaya in dadka qaarkood siiba kuwa ku nool goballada dhexe ay waayo dambe oo lagu qiyaasay qarnigii siddeed iyo tobnaad ciise dabadii ku dhaaran jireen dabka ayaga oo isla markaana ka codsanaya qofka dhaaranaya in uu soo waysaysto ama soo qabaysto inta uusan dabka ku dhaaran eebbana waydiisto in uu dabkaa ka magan gelsho asiga oo isla markaana caddaynaya in uu beri ka yahay waxyaabaha lagu eedaynayo.
Sheeko ay sheegeen odayaashii noolaa saddexdii ab ee la soo dhaafay, abkana waxaan uga jeednaa awowgaa aabbihiis ama odaygii saddexaad kolka laga billaabo aabbaha adiga ku dhalay, waxay sheegayaan sheekooyinkaasi in nin waa lagu soo eedeeyay in uu cunto nin kale ka xaday waxaana ninkii lagu xukumay in uu ku dhaarto masaar dab loo saarayo oo kolka ay kululaato gacmaha uu ku qaadayo oo uu sagaal tillaabo la soconayo, kolkaas baa ninkii sidaa lagu xukumay oo asigu isu haystay in uu yahay nin gardarro iyo nabyo loola yimid ogolaaday in uu dabka ku dhaarto.
Waxaa laga soo sheegay in uu yiri: kolkii ay dooneen in ay birtii holcaysay gacamaha ii saaraan ayaan waxaan iri;"dab allow ha i gubin, in aan ninkaas wixiis qaato daaye in aanan waligay wax dad leeyahay xado aanay maskaxdayda soo gelin ha igu gubin".
Kolka halkaa waxaa kaaga cad in haddii aan sheekooyinka jaadkan ah qorshaha ku daranno ay halkaa kaaga caddaanayso in uu jiray waa ay soomaalidu ku dhaaran jirtay dhaar isku dar ah oo ka kooban dabkii ay waayihii hore ku dhaaran jireen iyo unugyo kale oo laga soo qaatay ama laga bartay diinta islaamka kadib markii ay dalka ku fidday.
Waxyaabahaa aan soo sheegnay iyo qaar kale oo aanan halkan lagu soo koobi karin ayaa waxay inagu jiideen in aan dhahno taariikhda dhaarta soomaalidu waxay soomartay heerer kala duwan laga soo billaabo qarnigii sagaalaad ciise dabadii laguna yimaado maanta heerarka ay soomartayna waxay kala ahaayeen in dhiig daadintiis iyo nacalad la isku tuuro lagu dhaaran jiray markii hore, dabadeedna dab in lagu dhaarto la bartay, ka dibna dhaarta awoowayaasha lagu dhaaranayo la bartay, kadibna diinta islaamku keentay dhaarta hadda la yaqaan ee ah in eebbe samada jira lagu dhaarto.
Kolka, haddii dhaartu waxyaalo yaryar ku xirantahay ama aysan garsoor ku luglahayn ee qofku doonayo in uu hadalkiisa si loo runsado awadeed u dhaarto, badanaa sida aan kuu sheegay xoolaha iyo carruurta ayaa lagu dhaartaa, siiba geela iyo wiilasha, erayada ay ku dhaartaan waxaa ka mid ah, "waq aan wiil iyo geella'an noqdaa in aanan been sheegayn" ama "wiil iyo geel la'aan allaha i dhigo" sidoo kale "ebbow intaan jecelahay iga qaad haddaan been sheego" ama "waqaan duulo in aanan been sheegayn".
Naaguhu badanaa wiilashooda iyo nimankooda bay ku dhaartaan, sida "waq aan hebel waayo in aanan been sheegayn" ninkeeda ayay uga jeeddaa, ama "waqaan wiil iyo wehel la'aan noqdaa in aanan been sheegayn" wehel la'aan, nin la'aan bay uga jeedaan. waxaa jira jaadad kale oo badan oo dhaarta yaryar oo maalin kasta loogu dhaarto, sida "waq aan dhintaa" ama "waq aan go'aa in aan sidaa iyo sidaa yeelin" ama "kaas eebbe ha igu dilo".
Haddii uu qofku cunto iwm, markaas gacanta ku hayo waxyaalahaas iyo waxyaalo kale oo badan ayaa lagu dhaartaa inta badan, dhaarta jaadkan ah, badankeedu waa tii waayihii hore la adeegsanjiray ama ayadii oo xoogoo la leexshay oo waxyaalo laga beddelay.
Waayihii dambe ee aad loo ilbaxay ee diinta iyo kitaabka iwm, la bartay ayaa waxaa la bartay dhaar jaadad kale ah oo ay ka mid tahay in kitaab la soo qaado oo sacabka la saaro, ayada oo isla markaas la sheegayo erayo lagu adkaynayo dhaarta sida "waa igu wallaahi in aanan sidaa iyo sidaa yeelin iwm" soomaaliduna waxay ku maahmaahdaa "tolkaa dhiig waa loo soo hooyaa, dhaarse looma soo hooyo" maxaa wacay waxay rumaysanyihiin in dhaartu tolka gubayso oo bi'inayso, dhaartu waxaa kale ee ay noqon kartaa falka uu qofka dhaaranayaahi ku kacayo laftiisa. wadarteeduna waa dhaaro ama dhaaroh, dhaaryaal ama dhaaryowna lama yiraahdo.
Dhaarta iyo dhaqanka soomaalida, Waxaa Qoray: Hersi M. Labagarre
Dhaartu: Waa erayo ama fal loo adeegsado in hadalkaaga lagu xoojiyo si waxa aad sheegi doonto ama aad fali doonto lagaaga runsado.