"Waxaan aragnay hooyo canug haysata oo baahi darteed socon kari wayday oo dhinac u dhacday"

0
Monday December 06, 2021 - 22:38:59 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 600
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Waxaan aragnay hooyo canug haysata oo baahi darteed socon kari wayday oo dhinac u dhacday"

    Koox dhalinyaro ah oo uu hogaaminayo Cabdiqaadir Cali Maxamuud oo ku magacdheer Bilaal Bulshaawi ayaa waxa ay joogaan gobolka Gedo gaar ahaan degmada Doolow.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Koox dhalinyaro ah oo uu hogaaminayo Cabdiqaadir Cali Maxamuud oo ku magacdheer Bilaal Bulshaawi ayaa waxa ay joogaan gobolka Gedo gaar ahaan degmada Doolow.

Cabdiqaadir Cali Maxamuud oo ku magacdheer Bilaal Bulshaawi iyo asxaabtiisa

XIGASHADA SAWIRKA,BILAAL BULSHAAWI

Cabdiqaadir Cali Maxamuud oo ku magacdheer Bilaal Bulshaawi iyo asxaabtiisa

Dhalinyaradan oo caan ka ah baraha bulshada gaar ahaan barta TikTok ayaa isu xilqaamay oo istgaagay inay caawiyaan dadka ay abaaraha saameeyeen ee gobolka Gedo.

Iyagoo ka faa'iideysanaya caannimadooda ayay adeegsadeen aaladda TikTok oo ay dadka Soomaaliyeed ee ku kala nool daafaha dunida ku baraarujinayaan si ay u caawiyaan walaalahooda tabaaleysan ee gobolka Gedo.

BBC-da ayaa waxa u suurogashay inay la xiriiraan dhalinyaradaan gaar ahaan Bilaal Bulshaawoi oo sidoo kale loo yaqaano madaxweynaha TikTok, waxa uu sheegay inuu deeganada uu booqday uu ku soo arkay xaalad bini'aadanimo oo aad u adag.

Abaar saameysay dadka koonfurta Soomaaliya

"Waxyaabaha ugu daran ee aan ilaa haatan aragnay waxaa ka mid ah, hooyo iyo ilmaheeda oo kala irdhoobay oo waddo looga soo tagay, waxaan kaloo aragnay dad ku dhahaya waxaan waddada uga soo tagnay hooyo canug haysata oo baahi darteedna socon kari wayday oo dhinac u dhacday, waxayna sheegeen in marka ay su'aal weydiyeen ay dhahayso gaari, gaari, gaari, gaari." ayuu yiri Bilaal.

.

"Waxaan kale oo aan aragnay hooyo waayeel ah oo indhaha la' oo aan socon karin ayaa waxay nagu tiri waxaan soo qaatay gaari dameer, intii aan saarnaana dhawr jeer ayaan matagay, marar badan oo aan inaan matago isku dayayna waxa aan neef ahayn waa ay iga iman waayeen marka dhibaatooyinkaas iyo kuwa ka ii daran ayaan aragnay."

Abaarta ka taagan deegaanno badan oo ah kuwo ay Soomaalidu degto ee Bariga Afrika, ayaa saamaysay dad iyo duunyadaba. Gobolka Gedo ayaa waxa uu ka mid yahay deegaannada ay sida weyn u saamaysay abaarta.

Cabdiqaadir waxa uu sheegay in dhibaatada ka jirta deegaanka uu booqday uu qofka ogaan karo marka uu tagoo oo uu indhihiisa ku arko.

"Aniga tagay oo dhexgalay, oo dhowr gabeen la seexday, waxyaaba aan arkayna ma ahan wax uu qof bini'aadan u adkaysan karo oo xaaladda jirta aad ayay u liidataa."

"Annagu sheekooyinka badana ma dhageysan karno oo qalbiyadeena aad ayay u jilisan yihiin oo hooyada marka ay sheekada bilowdo waxaan dhahaynay hooyo intaas noogu jooji ama anagiiyaa intaan is celin weyno oohin la jeesanaynay oo ma aanan sii dhageysan karin laakin waxaan aragnay ma ahayn wax caadi ah."

Bilaal oo ay BBC-da weydiisay waxyaabaha haatan dadka ay booqdeen ugu daran ee ay u baahan yihiin ayaa sheegay inay yihiin hooyga iyo weelashii ay cuntada ku karsan lahaayeen.

Bilaal Bulshaawi

XIGASHADA SAWIRKA,BILAAL BULSHAAWI

"Waxaa haatan aad muctaad loogu yahay suuli iyo halkii ay degi lahaayeen, shalay waxaan aragnay hooyo oo aan ku iri . hooyo raashiin ayaan kuu keenay bal ka waran xaaladdaada , markaasbaa inta ay ashaahadatay ayay igu tiri hooyo raashin waan haystaaye laakin alaabtii aan ku karsan lahaa ma haysto marka haddii aysan weelashii ay wax ku karsanysay.hayssan raashin waxba uma taraayo"

Bilaal ayaa aaminsan in haddii ay Soomaalida is garab istaagaan laga bixi karo dhibaatan haysata dadkan.

"Anaga haddaan is taakuleyno uma baahin hay'ado waaweyn, waxa ayna taas Soomaalida kaga maarmi kartaa in iyaga inta ay hal hal doolar ama boqol boqol doolar oo ay isku soo darsadaan ama xitaa qofwalbo waxa uu awoodo inuu bixiyo."

"Qofwalba oo Soomaalieed, hooyo walba oo Soomaaliyeed oo dunida daafaheeda ku nool, hadaad xalay si quxubadan u saaxatay ogoow waxaa jirtaa hooyo adiga kula mid ah oo dhiigaaga iyo dheecaankaaga ah ayaa si qaab-daran oo fool xun u jiifta."

Bilaal Bulshaawi

XIGASHADA SAWIRKA,BILAAL BULSHAAWI

"Waxaan habeen hore argnay 7 qof oo hal aqal wada jiifta iyo hooyadood, aqalkana kor daboolna, geesanahana safiican ugama dhisna."

Bilaal ayaa hay'adaha dowladda iyo kuwa gargaarka ka codsaday in ay si deg-deg ah usoo gaaran dadkaan dhibaataysan iyaga oo i daacad ah ugu shaqeynayo.



Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip