Diyaarad siday gaadiid aan xabadu karin iyo ilaalo hubeysan oo ka degtay Baydhabo

0
Monday October 22, 2018 - 11:02:29 in Wararka by Warsheekh Muqdisho
  • Visits: 1329
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Diyaarad siday gaadiid aan xabadu karin iyo ilaalo hubeysan oo ka degtay Baydhabo

    Magaalada Baydhabo oo xarun KMG u maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa shalay gelinkii dambe ka degtay Diyaarad siday gaadiidka aaney xabadu Karin ee Bulletproof-ka loo yaqaano iyo ilaalo hubeysan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Baydhabo oo xarun KMG u maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa shalay gelinkii dambe ka degtay Diyaarad siday gaadiidka aaney xabadu Karin ee Bulletproof-ka loo yaqaano iyo ilaalo hubeysan.

Diyaaradan ayaa ka ambabaxday Magaalada Muqdisho,isla markaana siday gaadiid iyo ilaallo hubeysan,kuwaasi oo la sheegay ay hordhac u yihiin mid ka mid ah musharaxiinta u tartamaya xilka Madaxtinimada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in Diyaarada ka degtay Baydhabo ee siday gaadiidka iyo ilaalada hubeysan loo sii diyaariyay Wasiirka Wasaaradda Tamarta Xukuumadda Soomaaliya C/casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen),kaasi oo kamid noqonaya Musharixiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya,iyadoona lagu wado inuu Iska Casilo xilka Wasiirnimo.

Wasiirka Wasaaradda Tamarta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa waxaa lagu wadaa in dhawaan Magaalada Baydhabo uu ka dhawaaqo musharaxnimadiisa,iyadoona wararka qaar aan helnay ay sheegayaan in uu taageero xoogan uu ka helayo dowlada federaalka Soomaaliya.

Magaalada Baydhabo oo xarun KMG u maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Bisha Novembar ee soo socota lagu wadaa inay ka dhacdo Doorashada Madaxeynaha maamulka Koonfur Galbeed,iyadoo ay u tartamayaan Musharaxiin badan oo uu kamid yahay Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip