Sawirro:-Wafdi ka socda QM oo Maanta gaaray Magaalada Baydhabo

0
Tuesday November 13, 2018 - 12:39:44 in Wararka by Warsheekh Muqdisho
  • Visits: 1133
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro:-Wafdi ka socda QM oo Maanta gaaray Magaalada Baydhabo

    Wafdi uu hogaaminayo ku xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabisan ee arrimaha Soomaaliya Rai Zenenga ayaa Maanta gaaray Magaalada Baydhabo oo Xarun KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya,iyadoo halkaasi si weyn loogu soo dhaweeyay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wafdi uu hogaaminayo ku xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabisan ee arrimaha Soomaaliya Rai Zenenga ayaa Maanta gaaray Magaalada Baydhabo oo Xarun KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya,iyadoo halkaasi si weyn loogu soo dhaweeyay.

Mr. Rai Zenenga ayaa markii uu gaaray Garoonka Diyaaradaha Baydhabo waxaa ku soo dhaweeyay Kusimaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Cabduqaadir Shariif Sheekhuna Maye,Saraakiil Ciidan iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan Magaaladaasi.

Kusimaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa kulan gaar ah la qaaday Rai Zenenga oo ah ku xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya,iyagoo ka wada hadlay arrimo ay kamid ahaayeen sida ay u dhici laheyd doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Sidoo kale waxaa lagu wadaa inta uu Magaalada Baydhabo ku sugan ku xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobay kulamo kala duwan la qaato Musharixiinta Madaxweynaha Koonfur Galbeed si loo dardargeliyo doorashada.

Magaalada Baydhabo oo Xarun KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa la filayaa in 17 Bishab November ay ka dhacdo Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed,taasi oo ay ku tartamayan Musharixiin dhowr ah.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip