Gaari siday Dad Shacab ah & Xoolo oo lagu rasaaseeyay tuulo hoostagta D/Cadale

0
Sunday November 18, 2018 - 11:14:52 in Wararka by Warsheekh Muqdisho
  • Visits: 1169
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gaari siday Dad Shacab ah & Xoolo oo lagu rasaaseeyay tuulo hoostagta D/Cadale

    Wararka aan ka heleyno Degmada Cadalle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayan in deegaan hoostaga Degmadaasi lagu Rasaaseeyay Gaari xamuul ah,waxaana ka dhashay Rasaastaasi Khasaaro.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka aan ka heleyno Degmada Cadalle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayan in deegaan hoostaga Degmadaasi lagu Rasaaseeyay Gaari xamuul ah,waxaana ka dhashay Rasaastaasi Khasaaro.

Qof kamid ah dadka deegaanka Cadale oo la hadlay Shabakada Warsheekh  ayaa u sheegay in tuulada Garasweyne oo hoostagta Cadalle lagu Rasaaseeyay Gaariga xili uu kusoo wajahnaa Muqdisho.

Gaarigaas ayaa waxaa saarnaa Dad Shaca ah iyo Xoolo-Nool ,waxaana Khasaaro xoogan uu soo gaaray Xoolihii Gaariga saarnaa,iyadoo ugu dambeyn uu Rogmaday gaariga.

Sidoo kale waxaa gaariga la rasaaseeyay ku dhawaacmay laba Qof Shacab ah,kuwaasi la oo socday baaburka,waxaana dhaawac ahaan loogu soo qaaday Muqdisho,iyagoo la dhigay Isbitaalka Keysaney.

Ragii ka dambeeyay falkan ayaa waxaa la sheegay in Maamulka Degmada Cadalle gacanta uu soo dhigay,isla markaana hadda lagu haayo Saldhiga Cadalle.

Maamulka degmada Cadale iyo kan Gobolka Shabeellaha Dhexe weli wax faah faahin intaasi dheer ah kama bixin gaariga lagu rasaaseeyay tuulo hoostagta degmada Cadale.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip