Diyaarado dagaal oo markale Duqeyn xoogan ka fuliyay Gobolka Mudug

0
Wednesday November 21, 2018 - 09:10:51 in Wararka by Warsheekh Muqdisho
  • Visits: 1134
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Diyaarado dagaal oo markale Duqeyn xoogan ka fuliyay Gobolka Mudug

    Wararka aan ka heleyno Koonfurta Gobolka Mudug gaar ahaan deegaano lagu magacaabo Miiroon oo u dhexeeya deegaanka Caad Iyo Dagmada Xaradheere ee Gobolkaaasi ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi xalay markale ay duqeymo ka fuliyeen diyaarado dagaal.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka aan ka heleyno Koonfurta Gobolka Mudug gaar ahaan deegaano lagu magacaabo Miiroon oo u dhexeeya deegaanka Caad Iyo Dagmada Xaradheere ee Gobolkaaasi ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi xalay markale ay duqeymo ka fuliyeen diyaarado dagaal.

Duqeyntaasi ayaa waxaa la sheegay in lala beegsaday Saldhigyo ay lahaayeen Al-Shabaab oo ku yaalla deegaanka Miiroon,waxaana ka dhashay Khasaaro culus sida ay sheegeen Saraakiisha Ciidamada Galmudug ee halkaasi ku sugan.

Dadka deegaanka oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa ay sheegeen in xalay markale ay maqleen Jubta culus ee duqeynta,taasi oo ku dhaceysay gudaha Saldhiga Al-shabaab,isla markaana ay arkayeen diyaarado dagaal oo joog hoos ku socda.

Dhinaca kale Shalay Gelinkii dambe ayaa waxa ay duqeyn kale ka dhacday deegaan lagu Magacaabo Cadaley,waxaana Saraakiil ka tirsan Maamulka Galmudug ay sheegeen in la duqeeyay gaari nooca Soomaalida u taqaano Qooqan,isla markaana duqeyntaas khasaaro lagu gaarsiiyay.

Qoraal uu soo saaray taliska ciidamada Maraykanka ee qaaradda Afrika ee xaruntoodu tahay magaalada Stuttgart ee dalka Jarmalka ayaa lagu sheegay in laba weerar oo cirka ah ay ku dileen 37 dagaallame oo ka tirsan Al Shabaab,taasi oo habeen kahor ka dhacday deegaano ka tirsan Gobolka Mudug
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip