Sh.c/laahi sh,cabdiraxmaan abu yusuf alqadi ayaa ka hadlay dagaalka maalintii labaad cagaha u galay ee layskugu hardinayo goboalada dhexe gaar ahaan galgaduud .
Afayeenka oo la waydiiyay dagaalka iyo halka uu marayo ayaa wxaa u tibaaxay in dagaalkasi uu dhacay tiro 3 jeer ah , isagoo tibaaxay in uu bilawday kadib markii ay saraakiisha ciidamada ahlusunna kawraheleen in ay soo dulaan yihiin alshabaab iyo xisbul islaam , waxa uu siiraaciyay in dagaaladu ay ahaayeen kuwa is xigxiga oo aan waqtiyo badanba u dhaxeyn .
abuu yusuf waxa uu sheegey in dagaaladaasi ay ka dhaceen wadada ka baxda dhusamareeb tagtana deegaanka ceelbuur gaar ahan meesha lagu magaacaabo bulacle , dagalaka bulacle oo bilawday duhurnimadii shalay ayaa inta laga warhayo wxaa ku dhimatay tiro dada oo u badan dhinacyada dagaalamaya .
afayeenka guud ee culumada ahlusunna waxa uu tibaaxay in dagaalka bulacle uu ka soconayo ilaa iyo maanta isagoo sheegey kii shalay in uu joogsaday xalay fiidkii , kadibna maant laysku karaar qaatay .
shiikh abuu yusuf wxaa uu dhaman shacabka soomaaliyeed iyo umadahaa islaamka ugu hanbalyeeyey in ay geesiyaasha ahlusunna soo hoyeen guulo wax ku oola dagaalkii shalay iyo kii maantaba , waxa uu intaa raaciyay in dhimashada khawarijta oo ula jeedey shabaab iyo xisbul islaam aysan tiro lahayn , tiro hubna ay qabsadeen isla markaana ay gacanta ku hayaan maxaabiis ilaa sedex gaaraya ayna dhawaan saxafada u soo bandhigidoonaan .
Afayeenka culumaaudiinka ahlusunna waljamaaacah oo wax laga waydiiyey in ay jiraan gurmad uga yimid hiiraan iyo mududg xarunteeda ee galkacyo ayaa waxa uu sheegey in gurmadyadu ay ka imanaayaan meel walba oo ahlusunna joogto waa sida uu hadalka u dhigaye .
waxa uu yiri " Shacabka oo rag iyo dumarba gurmanaya diidanna in gumaysiga khawarijtu saameyn ku yeesho , waxaa kaloo jira ciidamo farabadan oo tababar u soo dhamaday oo ay tababareen saraakiil hore uga tirsanaa ciidankii qalabka siday ee soomaaliya , ciidamadaasi qeyb kamid ah ayaa siwayn uga qeybqadanaya dagaalka maanta iyo kii shalay , kuwa kalena amarka saraakisha ay sugayaan "
Shiikhu waxa uu ku nuuxnuuxsaday in qeybihii kala duwanaa ee ciidanka ahlusunna walajamacah aysan ukala harin dagaalkaasi isagoo tibaaxay in gobolada soomaaliya ay ka qarxidoonaan hirar dagaala ah oo looga soo horjeedo cadawga umadda waa sda uu hadalku dhigaye .
Isku soo wada dooboo dagaalka shalay iyo maanta ka soo cusuboonaaday galgaduud ayaa waxa ku nafwaayey dadyow kor u dhaafaya labaatameeyo ayadoo ilaa hada aysan muuqan wax xabad joojin ah , marka laga reebo gurmadyo balaaran oo goobaha dagaalka loo daabulayo .
W/Q: Wariye Axmed Khadar
emil:axmedmbc@hotmail.com
War dag dag ah.. Dagaal Malinti labaad kasocda Gobolka Galgaduud