
Cumar Kulane oo ka mid ah Daraawalada Soomaaliyeed ee wada gaadiidka dadweynaha ee isaga kala goosha Magaalada Uumiya ee Gobolka Vasterbutten Waqooyiga Sweden ayaa waxa uu ku guuleeystay lacag dhan 50 kun oo Karoonka Iswiidhan taasoo u dhiganta ilaa 6402.05 oo dollarka Mareykanka.
Cumar Kulane oo ku magac dheer Cumar Regeye ayaa ka mida Soomaalida ku nool Waqooyiga Iswiidhan, Inankaani ayaa caan ku ah inuu ku maaweeliyo dadka rakaabka heesaha ama Muusiga Rageye oo ay dad badan oo reer Iswiidhan xiiseeyaan.
Cumar mar la weeydiiyay sideey ugu suuragashay inuu lacagtaani ku guuleeyto ayuu wuu yir 'waxan ahay nin u furfuran rakaabka baska isla markaana ay jecel yihiin, waxaana is leeyahay ama rumaysanahay in ay tahay sababta aan ku helay abaal marintaan, sidoo kale dadku waxaay jecel yihiin heesaha aan u saaro ee Regeya taasna kama marna'
Waa markii ugu horeeysay oo Inan Soomaaliyeed ku guuleeysto lacag intaan dhan inta la og yahay waxaana idiin soo gudbin doonaa wareeysigiisa oo buuxa insha Allah
Darawal Bas Soomaaliyeed oo ku guuleeystay adduun dhan 6402 oo Doolar Wadanka Iswiidhan